Pages

Wednesday, July 9, 2014

Wararkii ugu dambeeyay ee weerar Al-shabaab ka fulisay Villa Somalia


Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weeraray Aqalka Madaxtooyada ee looga arrimo dalka Somalia.




warar dheeraad ah oo laga helay Weerarkan ayaa sheegaya in khasaare isugu jira dhamasho iyo dhaawac ka dhashay.




Maydad badan ayaa dad goob-joogeyaal ah ku arkeen Madaxtooyada iyo agagaarkeeda, sida la wariyay.




Sidoo kale, waxaa goobaha uu ka socday Dagaalka laga la’yahay Ciidamada AMISOM, iyagoona bilowga weerarada ku kala carareen Darbiyada iyo goobaha jiifka, halka Ciidamada Dowladuna ay noqdeen kuwa Dagaalyahaanada Alshabaab ka difaacaayay Madaxtooyada.




Saraakiisha Ciidamada ayaa iyagu kala garan la Meydadka Ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabaab oo wada wata dares hal midab ah, waxaana adag in kala sooc lagu sameeyo xiligaani Ciidamada.




Waxa xiligani Madaxtooyada kusii qulqulaayo Gaadiidka Dagaalka AMISOM oo iyagu u socdo gurmad ahaan, balse waxa ay taasi muujineysaa kalinta damacsan oo ay AMISOM ku leedahay Dagaalada ka socda Somalia.




Dhanka kale, waxan laga warqabin xaalada ay ku sugan yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ku sugnaa gudaha Madaxtooyada mana jirto warar faahfaahsan oo laga helaayo xaaladooda Caafimaad wallow la sheegayo inuu jiro Khasaaro soo gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada hadana lama Oga halka uu gaarsiisan yahay.