Hargeysa(GNA)-War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland gelinkii dambe ee Maanta ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xaflad qiimo badan oo isugu jirta Abaalmarin, Afur iyo Casho sharef u sameeyey Ardaydii ku tartamaysay Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah iyo Culimadii is xilqaantay ee tartankaasi dhexdhexaadinaysay iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo hormuud u ahayd xafladan qiimaha badan.
Madaxweynaha ayaa ugu horaynba waxa uu gaadhi noociisu yahay TOYOTA NOAH gudoonsiiyey wiilkii hogaaminaayey Ardaydaasi ee kaalinta koowaad ku guulaystay iyo kaalinta labaad, saddexaad iyo Afraad, oo sidan u kala horeeya
1. Cabdilaahi Maxamed Cali (Gobolka Maroodi-jeex) kaalinta koowaad
2. Shucayb Maxamed Cabdilaahi (Gobolka Sool) labaad
3. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Gobolka Togdheer) saddexaad
4. Jamaal Cabdinaasir Xuseen (G/Maroodi-jeex) afraad
Halka Madaxweynaha laftiisa la gudoonsiiyey Kitaabka Qur’aanka kariimka ah oo ay madaxweynaha ku sharfeen Culimada iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.
Halkan ka dhegeyso Madaxweynaha oo ka hadlay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Madaxweynaha-oo-Gudoonsiiyey-Wiilkii-ku-guulaystay-Tartanka-Quraanka-Kariimka-ah-Gaadhi-Noah-ah1.mp3"][/audio]
Sanadkii hore ayaa Madaxweyne Siilaanyo xiligan oo kale Ramadaantii Maal-geliyay Tartan noocan ah, waxaana ku guulaystay Kaalinta koowaad Xafidal qur'aan ka soo jeedda Gobolka Sool oo helay Gaadhi Grande ah iyo abaal marino kale.
Hoos ka Daawo Sawiro badan:
