Pages

Wednesday, July 23, 2014

Somaliland: Madaxdhaqameedyo Bogaadin u diray Qoomiyada Dir ee Somalia






Hargeysa(GNA)- Salaadiin iyo Cuqaal Reer Somaliland Ah ayaa maanta magaalada Hargeysa kazoo saaray Baaq Taageero iyo Bogaadin ah oo ay u dirayaan Gudida Qoomiyada Direed Ee G21S ,Baaqan ay Warbaahinta mariyeen salaadiintu ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- 




Anagaoo ku hadlayna afka Salaadiinta,Cuqaasha iyo Wax-garadkaReerSomaliland waxaan halkan ku cadaynaynaa inaanu taageero hiil iyo hooba leh la garab taaganahay Gudida Qoomiyada Direed Ee G21 iyo HogaamiyahoodaSuldaan C/kariim Faarax Dagaal iyo dhamaan Shucuubta Qoomiyada dal iyo dibad meelkasta oo ay joogaan .S




idoo kale waxaanu halkan baaq nabadeed uga diraynaadagaalada ka socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Hoose oo aanu leenahaywaa in si degdegaloo joojiyaa colaada kaaloosandagaalkaas waaxa dagaal dhib weyn ku haya Shucuubta Direed .




hadaba waxaanu Dawladaha Somaliland ,Jabuuti , iyo Soomaaliyaba ussoo jeedinaynaa inay si weyn uga qayb-qaataan joojinta iyo Nabadaynta Dagaaladaas.












Magacyada Salaadiinta iyo Cuqaasha Baaqa Soo Saaray.




1.SuldaanCali Yuusuf Cabdi (Bada Cas)




2.Suldaan Siciid Maxamuud Cali Suldaanka guud ee Carabta reer Somaliland




3.Cheaf Caaqil Cabdi Xirsi Galow




4.Cheif Caaqil Maxamed Cawed (Gacanlow)




5. Cheif Caaqil C/laahi Cabdle Ismaaciil




6. Cheif Caaqil Cabdi Ismaaciil Saalax




7. Cheif Caaqil Maxamed Cabdi Guuleed Gadhoodhe




8.Prof.Madar DucaaleJabuuti