Pages

Wednesday, July 23, 2014

Somalia: Biyaha Badda waxaan xaq u leenahay 350 N/Miles”warbixin


Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay dareenka ka taagan xadeynta badda Soomaaliya




Hoos ka dhegeyso Khubarada soomaalidu halka ay ka taaganyihiin




[caption id="attachment_91471" align="alignleft" width="300"]Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka[/caption]Muqdisho(GNA)- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa caddeeyay in todobaadkii hore Dawladdiisu Qaramada midoobay ka diwaan-gashatay dhul-biyood baaxadiisu dhantahay 350 N/mils.




Hadalkan ayaa soo baxay usbuuc kaddib markii dareen ka soo cusboonaaday xadeynta Biyaha Badda Somaaliya,taasoo ka dhalatay warqad madaxweyne xasan sheikh u gudbiyay qaramada midoobay oo laga shakiyay inuu ku dalbanayo heshiis ogolaanaya in biyaha badda Somalia qayb laga jarayo.




Madaxweynaha oo hadlay maanta




Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta khudbad xarunta golaha shacabka ka jeediyey ayaa si cad u tilmaamay inay badda Somalia ka balaadhantahay baaxada Dhulka Somalia.




 “Soomaaliya waxay leedahay badda ugu ballaaran qaarada Afrika, biyaha dalkeenna waxay ka badan yihiin baaxada dhulka Soomaaliyeed. Waxaanna nagu waajib ah Iilaalinta biyaha Soomaaliya. Xuquuqda ummad walabi waxaa lagu ilaashadaa sharuucdeeda iyo sharuucda caalamiga Soomaaliyana waxay xubin ka tahay dalalka saxiixay heshiska baddaha caalamiga. Isbuucii la soo dhaafay waxay Dowladda Soomaaliyeed diiwaangashatay 350 nautical miles oo ah biyaheenna xaqa aanu u leenahay’ ayuu yiri Madaxweynaha.




Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey. “Intaas haddii aanan sameyn waxaa dayacmi lahaa biyaheenana, sidaad ogtihiin in biyaheena wasaq lagu shubo, si sharci dara ah looga kaluumeysto, Waxaa masuul ka ahayd maqnaashaha aarintaas. documenti-yada iyo qariidadihii la gudbiyeyna Baarlmaanka ayaa la horkeeni doonaa”ayuu yiri.




Dareeno ka soo baxayay Baarlamanka




Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa todobaadkan waday dhaqdhaqaaqyo ay ku dhaliilayaan nidaamka loo maray xadeynta Badda Soomaaliya.[caption id="attachment_91472" align="alignleft" width="300"]Khariidada badda somalia Khariidada badda somalia[/caption]




Dhaqdhaqaaqyadaas ayaa kiciyay dareeno dadka aqoonyahanka ah iyo Khubaradda baddaha gaaray oo lagu faaqidayo arrintaas.




Admiral faarax Cumar Axmed (Faarax Qarre) oo ah Khabiir dhanka shuruucda badda ku takhasusay ayaa todobaadkan BBC-da u sheegay inaanay biyaha Badda Somalia ahayn wax waligeed isbedelaya, balse dareenada hada soo baxayaa ay yihiin kuwo ku soo beegmaya xili dawladda Soomaaliya itaal darantahay.




Halkan ka Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/baddan.mp3"][/audio]




Dawladdaha damacsan badda Somalia




Dalka Kenya ayaa muran xaddeed oo badda ahi ka dhexeeyay Somalia muddo dheer, kaasoo dhowr jeer isku dayay inay ka faa’idaystaan  bur-burka dalka oo ay qaataan qayb ka mid ah Biyaha Badda Somaaliya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com