Pages

Wednesday, July 23, 2014

XASUUQA GAZA: Dawladda iyo Shacabka Soomaalida oo laba Dareen ku Cambaareynaya


Masaajiddada Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Meelaha kale ee lagu kulmo oo looga ducaynayo dadka reer Falastiin!Warbixin




[caption id="attachment_91462" align="alignleft" width="300"]Wasiirka arrimaha dibada somalia Wasiirka arrimaha dibada somalia[/caption]Muqdisho(GNA)-Dawladda Federaalka Somalia ayaa si adag u cambaareysay Duulaanka Israel ku hayso dadka rayidka ah ee Reer Falastiin oo todobaadkii saddexaad galay.




Warsaxaafaddeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa lagu sheegay in Dawladda Somalia ku baaqayso in si dhakhso ah Yuhuudu u joojiso gulufka ka socda GAZA.




Warkan ayaa lagu sheegay in Dawladda Somalidu la jaartahay, garab taagantahayna Shacbiga iyo Maamulka Falastiin.




Warsaxaafadaddeedka ayaa u dhignaa sidan:




"Xoogaga Israel waxa ay xoojiyeen 20 July duulaankooda joogtada ah oo ay ku qaadeen Marinka Gaza ee Falastin .




Wasaaradda Arrimaha Dibaddu “Waxa ay si adag u cambaareyneysaa duulaanka lagu qaaday dadka ku nool Gaza ee go’doonsan, iyo beegsashada rayidka aan waxba galabsan , taasoo ah wax ka hor’imaanaya qiimaha bani’aadanimada,dhaqamada iyo qawaaniinta caalamiga.




Waxaan ka codsaneynaa Israel inay si dhaqsiya leh ku joojiso dagaalkeeda iyo duqeynteeda daran ee ay ku qaaday shacabka Falastiin, waxaanu ku dhawaaqeynaa inaan la bah nahay Maamulka iyo Shacabka Falastiin, iyo inaan taageersannahay hindisaha ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar 14 July si xabadda loo joojiyo.




Waxaanu ugu baaqeynaa dhammaan dadka xorta ah ee caalamka inay sii ambaqaadaan dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo cadaawadda , laguna badbaadinayo nafta dadka aan waxba galabsan ee ka midka yihiin caruurta,haweenka iyo dadka da’da ah ee ku nool Marinka Gaza, iyo in la diyaariyo jawi u qalma oo lagu joogteynayo degganaanshaha iyo wadaxaajoodka nabadda iyo nabad ku wada noolaanshaha”ayaa lagu yidhi.




Dhinaca kale Reysal-wasaare ku-xigeenka, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Dawladda Somalia ayaa todobaadkan horaantiisii cambaareeyay waxa uu ugu yeeray xasuuqa lagu hayo Shacbiga Falastiiniyiinta.




Dawladda Soomaaliya ayaa ka mid ah Wadamada Jaamacadda Carabta, hase ahaatee waa dal 23 sannadood bur-bursanaa.




Geyiga Somalida oo dhan




Inta badan dadka ku dhaqan Gobollada Somalida, ayaa dareen ahaan la  qaba dadka Islaamka  cambaareynta laga soo jeedinayo gulufka ay Milateriga Israel ku hayaan daanta Galbeed iyo dhulka falastiiniyiinta.




Masaajida iyo goobaha kale ee lagu kulmo ayaa si weyn loogaga ducaynayaa dadka reer Falastiin in ALLE dhibka ka dulqaado “waxa laynooga baahanyahay inay u ducayno Dadkaa reer Falastiin ee GAZA lagu xasuuqayo, waayo maanta waxa kaliya ee aynu u tari karnaa waa inaan u ducayno bishaa ramadaan, waxa laga yaabaa in mid inaga mid ah ducadiisa loo aqbalo”sidaasi waxa Muxaadiro Diini ah ku sheegay Sheikh Maxamed Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada ugu waaweyn ee Somaliland ku nool.




Sidoo kale Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka mid ah Culimada Somaliland, ayaa Maalintii shalay si adag uga hadlay Xasuuqa ka socda GAZA.




Dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Somaliland iyo gobollada kale ee Somalia ayaa isha ku haya dagaalka ka socda dhulka falastiiniyiinta, waxaanay Warbaahinta Gobolku inta badan gudbinayaan dhacdooyinka isa soo taraya.




Dadka Soomaalida ayaa sidoo kale ku farxay guulaha isa soo taraya ee ay falastiniyiintu ka soo hooyeen Dagaalka labadii maalmood ee ugu dambeeyay, kaddib markii ay Milateriga Israel qirteen in 25 Askari laga dilay todobaadkan.




Si kastaba ha ahaatee soomaalida ayaa boqolkiiba boqol ah dad islaam ah, iyadoo aanay wax saameyn ah ku lahayn Diimaha kale ee dalalka carabta qaarkood laga tix-geliyaa.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




FG: warbixintan waxa wada diyaariyay Wariyeyaasha Gobanimo ee Muqdisho iyo Hargeysa.