Tuesday, July 15, 2014

Somaliland: Gaadiidleyda oo Dawladda ku xidhidhiyay Shirkad suuqa ka saartay


Waxay ka digeen inay noloshoodu halis ku jirto hadii xaalada shaqo la’aantu sii socoto...




taxBurco(GNA)-Dadka ku shaqaysta Gaadiidka isaga goosha Magaalooyinka somaliland, ayaa cabasho xoogan ka muujiyay shaqo la’aan la soo deristay, kaddib markii ay Gaadiid Shirkado leeyihiin oo dadweynaha qaadaa ku soo bateen dalka, kuwaasoo shaqooyinkii ka qabsaday.




Gaadiidka Shirkadduhu leeyihiin, ayaa isagu jira kuwo yar yar oo tagaasi ah iyo noocyada Baabuurta qafilan ee dadweynaha qaada (Basas), waxaanay ka shaqeeyaan Magaalooyinka dhexdooda iyo isu socodka gobollada.




Waxaana ka mid ah Shirkadda bari iyo Galbeed iyo kuwo kale oo gaadiid aad u badani u shaqeeyaan.




Hadab Basaslayda Mulkileyaasha Baabuurta yar yar ee Taxi-ga ah iyo nooca loo yaqaan Noohada oo aad ugu kala goosha Magaalooyinka Somaliland ilaa Puntland, ayaa ku doodday inay Dawladdu ka dambeyso gaadiidkan shaqada kala wareegay.




Gaadiidleydan ayaa sidaas ku sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Burco, waxaanay intaasi ku dareen in Shirkadda la yidhaahdo Bari iyo Galbeed ay xoog ku qabsatay shaqadii ay hayeen ee Boorama ilaa Burco iyo wajaale oo ay u kala bixi jireen.




Maxamed Xuseen Askar oo ugu horayn cabashadan ay gaadiidlaydu ka sameeyen magaalada Burco ka hadlaya ayaa yidhi''Hadii aanu nahay Iskaashatooyinka Basaska,Noohooyinka iyo tagaasida ilaa Burco- Wajaale ilaa Boorame u kala baxa waxaanu ka cabanaynaa Gaadiidka la yidhaahdo Bari iyo Galbeed oo nalagu yidhi dawladaa qaar ka mid ah leh oo qayb ka ah waxaanu ku araganay kaantaroolada markaanu isasoo wada taagno Birta iyaga waa laga dhuftaa hadii ay kootarbaan sidaan iyo hadii kale anaga se anagoo lix qof sidna waa nala baadhaa cashuur baa nala qaadaa caruur tayadii iskuulada joogtay ayaa lacagtii wadooyinka laga qaadaa,gaadiidkaas waxaanu leenahay iskaashatooyin ba jira ee iskaashatooyinkaas haku soo biiraan ka horeeyay hadii aanay awood kale meel ka haysan
C/risaaq C/laahi masale case ayaa yidhi'' dawlada Siilaanyo waxay noo horseeday tahriib hor leh,Anigu waxaan kasoo hadhay labaatan inan oo tahriibay oo ka mid ahaa gaadiidlayda ka baxda Gobolka Togdheer,inamadii waxna badaa liqday waxana way talaabeen,Aniguna waxaan ku talo jiray inaan ka tago oo maanta xaraasho dawlada Axmed Siilaanyo aawadeed maadaama ay u xidhay oo ay u kootaysay oo ay u xidhay basas la leeyahay waxay kasoo baxeen Madaxtooyada,waxaan u xidhnaa shan iyo toban casho,waxaan leeyahay dawladu wax haka qabato.
Gaadiidlaydu dalka waa ka Boqolkiiba  Todobaatan xaquuqdayadii waa la,nahay oo dulmanayaal baanu nahay cashuurtii waa nalagu laba jibaaray xafiisyo iyo wadooyin ma hayno,hadii waxan na haysta wax laga qaban waayo waanu mudaharaadaynaa,Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah Gaadiidlaydii cabashada samayasay”.
“iskaashatooyin ayaa hore u jiray oo in kuwaas ay ka mid noqdaan waa la diiday oo haragaysa iyo xaga sare ayaa laga soo amray taliyaha qaybta”ayuu yidhi muwaadin kale oo gaadiidlayda ka mid ahi.
“waxaan ahay kaariyada in badan soo shaqayanayay ee cashuurata bixiya ee liisanka leh,basaska ayaanu kirayn jiray  oo  mudo sanad ah waxba maanaan kirayn oo waxaa la keenay basas laba liid leh oo laba calankii somaliya iyo Somaliland leh waxaa la yidhi kaari kirayn maayo oo kootaa loo xidhay Sadex kun oo bas oo kiraysanayay toban bas ayaa loo xidhay,gaadiidkaa waxa ku noolaa malaayiin reer somaliland ah hadii arinkaas wax laga qaban waayo dawladu ha ogaato in laysku bakhtiyayo” sidaas waxaa isna yidhi mid ka mid ah kaariyada kireyn jiray gaadiidka isaga goosha Burco iyo hargaysa.
Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office