London(GNA)-Wasiirkii Arimaha debeda dalka UK Mr William Hague ayaa caawa goor danbe ku dhawaaqay in uu iska casilay jagadii wasiirnimo ee uu hayay.
Warbaahinta Dalka Ingiriiska ayaa iscasilaada William Hague ku tilmaantay mid dhabaha u xaadhaysa in Ra’iisul wasaare David Cameron uu isbedel mug leh ku sameeyo gollihiihsa wasiirada oo aanu muddo wax ka bedelin.
Saadaasha ama aragtiyaha doorashooyinka baarlamaanka ee la filayo in la qabto ayaa xisbiga David Cameron waxay wax yar ka hooseeyaan qiyaasta tirada kuraasta ee la saadaaliyay in uu xisbiga Shaqaaluhu heli doono.
David Cameron ayaa la filayaa inuu Haween iyo Dhalinyaro badan ku soo kordhiyo Xukuumaddiisa.
Siyaasadda arrimaha dibada ee Ingiriiska ayaa hoos u dhac laga dareemayay muddooyinkan dambe, waxaanay muuqata William Hague gaabis badan sameeyey, xili waddamada reer galbeedku aad u xoojiyeen shaqada wasaaraddahooda khaarajiga.