Shan ka mid ah shaqaalihii Xafiiska hay’adda ee Hargeysa oo shaqada laga caydhiiyay iyo rejo laga qabo inuu meesha ka baxo Khilaafkii dawladda u dhexeeyay…
Hargeysa(GNA)-Sarkaalkii ugu sareeyay Xafiiska Hay’adda WFP ku leedahay somaliland Olivear iyo shan ka mid ah Shaqaalihii Hargeysa ee Hay’adaas oo ah Soomaali ayaa la eryey bishii la soo dhaafay dabayaaqadeedii.
Tani waxay timi xili muran soo jiitamayay sanad ka badan oo u dhexeeyay Xukuumadda Somaliland iyo Hay’addan ragaadiyay Mashaariicdii kala duwanaa ee ay dalka ka waday.
Hay’adda WFP, ayaa Mashaariic kala duwan oo raashin u badan ka fulisa somaliland, waxaana k mid ah Mashaariic loogu talo galay cunto hawleedka dadka shaqeeya dayactirka Waddooyinka , Ceelashaha iyo ama qodaalka Beeraha iyo Raashinno kale oo ay siiso goobaha Waxbarashada Magaalooyinka ka baxsan, Xanaanooyinka iyo Cisbitaaladda.
Mashaariicda loo yaqaano Food for Work ayaa hakad galay sanadkii ugu dambeeyay, kaddib markii khilaafka u dhexeeyay Somaliland iyo Hay’addu sii xumaaday, isla markaana ay diideen Saraakiisha Hay’addan u joogay Somaliland inay la shaqeeyaan Xa fiiska dawladda u qaabilsan isku duba ridka Mucaawimooyink WFP.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’adda WFP oo la xidhiidha bedelka lagu sameeyay Masuulkii maamulayay Xafiiska hay’adda ee Magaalada Hargeysa, laakiinse ilowareedyo Gobanimonews heshay oo xafiiskan ku dhadhow, ayaa sheegaya in 25 Bishii June la eryay Olivear iyo shanta nin ee soomaalida ah.
Cabashooyin hore oo ka dhan ahaa WFP
Bilihii la soo dhaafay ee sanadkan waxa cabasho xoogan ka muujiyey Xafiiska Masuulkii ugu sareeyay la eryay Ururrada Maxaliga ah ee Mashaariicda Hay’addan ka shaqeeya, waxaanay ku eeddeeyeen inay si badheedh ah u lumisay shaqadii ay joogtay dalka.
“Saddex sanadood ayaanu taagnayn Hargeysa oo aanu WFP Mashaariic ka sugaynay, saddexdaa sanadood wax alaale waxaanu ka haynaa ma jirto, iminkaaba markii Maareeye Yuusuf yimi wax kala socdeene, intii hore oo dhan waanu iska joognay, markaa waxaan xukuumadda ka codsanaynaa hadii aanu nahay NGO-da in arrintaa wax laga qabto ,xeerkanina noqdo mid arrimahaa wax ka qabanayo”sidaasi waxa yidhi Cali Xasan oo ku hadlayay afka Masuuliyiinta Ururadda Bulshada ee shirk aka soo qayb-galay.
Ilaa afar jeer ayay Madaxda ugu sareysa WFP Somaliland ku yimaadeen sidii ay isfaham u dhici lahaa, waxaana la sheegay in ugu dambeyntii Ninka ugu sareeya Hay’addan oo fadhigiisu yahay Nairobi uu Madaxweynaha Somaliland u balan qaaday inuu talaabo is-afgarad ku iman karo qaadi doono.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay guddi wasiirro ah u saaray xalinta khilaafka u dhexeeyay Hay’adan dawladda.
“Hay’adda WFP khilaafka noo dhexeeyaa wuxuu salka ku hayaa qaabkii aanu u wada shaqayn lahayn oo ay ka dhego adaygeen markaanu ka dalbanay”ayuu ku sheegay Maareeyaha Wakaalada Dawladda u qaabilsan Mucaawimooyinka WFP, Xaflad lagu soo bandhigayay Xeerka Hay’addan bilihii la soo dhaafay.
Xafiiska Hay’addan ayaa bishii ugu dambeysay aanay wax shaqo ahi ka socon, waxaanay taasi imanaysaa xili uu isa soo tarayo walaac ku saabsan cunto yaraan iman karta bilaha soo socda deegaamo badan oo Somaliland ku yaalla oo aanay roobabka gugu si fiican uga di’in.
Qaylo dhaanta cunto yaraan Gobollada qaar ka jirta ayaa dhowrkii usbuuc ee u dambeeyay si weyn isu soo tarayay, inkasta oo aanay Dawladdu wali ka hadlin, isla markaana wax saadaalin ah bixin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email; editor@gobanimonews.com