Wali ma cadda heerka uu gaadhsiisanyahay ixtiraamka ay Dawladda Jabuuti u hayso dhigeeda Somaliland oo ah mandaqad nabad-gelyo ku sifowday, 23 sanno iyo badh ay u dhisnayd hanaan madaxbanaan oo dawladdeed.
Hase ahaatee dhaqdhaqaaq ka bedelan sidii ay labada dal u macaamili jireen dhawr sano ka hor, ayaa ku soo kordhay labadii bilood ee ugu dambeeyay.
wufuud aan heer diblomaasiyaddeed ahayn oo ka sii socda dhinaca Somaliland ayaa ku qul-qulaya jibouti, waxaanay taasi keentay dareeno dhinac qudha saameyn ku yeeshay oo shaki weyn dhaliyay.
Saraakiil u safray
Waxa maalintii shalay Hargeysa ka dhoofay ugu yaraan saddex masuul oo ka socda laamaha ammaanka Qaranka iyo Xeer-ilaaliyaha guud, waxaanu weftigaasi noqonayaa kii labaad ee muddo todobaad ah Magaalada jibouti booqday xaga Somaliland.
Saraakiisha Amniga Somaliland ee shalay u dhoofay dalkaasi wax aka mid ahaa Taliyayaasha Booliiska iyo Sirdoonka C/laahi Fadal Iimaan iyo Jaamac Maxamed Bootaan iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan.
wax war ahna warbaahinta may siin markii ay dhoofayeen, hase yeeshee warbaahinta qaar ayaa sheegaysa inuu safarkoodu lala xidhiidhinayaa baadhista Qaraxii jibouti ka dhacay oo Hargeysa looga qab qabtay dad la tuhunsan yahay inay gacan ka siiyeen labadii qof ee fuliyay.
Warar kale oo warbaahintu sheegayso ayaa intaasi ku daraya in khilaaf ka taaganyahay saddex ruux oo ay Somaliland ku wareejisay Djibouti, taasoo lagu canaantay inay ku xad-gudubtay qawaaniinta Caalamiga ah ee dambiileyaasha iyo dadka tuhunada loo qabto.
Baadhitaan aan natiijo lahayn
Waxa jira warar kala duwan oo la xidhiidhinayo safarka weftigan, balse arrinta mushkilada keentay waxay tahay dhaqdhaqaaqyada aamusnaanta ku socda ee labada dawladdood ka fulinayaan Somaliland.
Waxa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay dad laga qabqabtay Magaalooyinka Boorama iyo Lowyo caddo.
Lawyo-caddo ayaa ah halka uu xuduudka labada dal ee badda iyo Berigu.
Tiro koob rasmi ah laguma hayo dadka Somaliland gudaheeda laga qabtay intii baadhitaanada Qaraxyadii Djibouti ka dhacay socdeen, laakiinse waxa socda hawl-galo aan dhamaad lahayn oo heer hoose gaadhsiisan.
Labada dal ee jaarka ah ayaa todobaadkii ina soo dhaafay laba maalmood oo isku xiga u dabaal degayay wakhtiyadii ay xoriyada ka qaateen Gumeysteyaashii Ingiriiska iyo France, manay jirin wax fariimo hambalyo ah oo ay isu direen oo labada dawladdood ka soo baxay.
Somaliland
Xukuumadda Somaliland ayaa looga fadhiyaa inay caddeyso doorka ay ku leedahay baadhista la xidhiidha weerarkii ka dhacay Djibouti bishii May 24-kii, iyo dambiga loo heysto mawaadiniinteedda ay dawladdaas u dhiibtay.
Tani waxay meesha ka saaraysaa shakiga weyn ee ka jira gudaha dalka oo u muuqda mid bulshada walaac badan ku abuuray, isla markaana meel ka dhac ku ah Hanaanka dawladnimo ee waddanka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com