Pages

Wednesday, July 9, 2014

Live: Xaallada Villa Somalia iyo Madaxweyne Xasan oo ka maqan


Toos ula soco dhacdooyinka isa soo taraya ee ka socda aqalka Madaxtooyada Soomaliya weerarkii caawa kaddib...




AlshabMuqdisho(GNA)-Waxa socda Gurmad loogu jiro sidii loo badbaadin lahaa dhaawacyada ka dhashay weerar goor aan sidaas u fogayn lagu qaaday xarunta looga arrimo dalka Somalia.




Dhimashada ka dhalatay oo labada dhinacba ah wali tiro koob sugan lagama hayo.




Warbaahinta dhexdhexaadka ah iyo ta xag-jirka ah labaduba waxay sheegayaan warar isku dhadhow.




Warbaahinta Taageerta Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa ku waramaya in Dagaalyahanadda Weeraray Madaxtooyadu ay qabsadeen dhismeyaal.




Wali waxa la sheegayaa inay xabaddo ka dhacayaan meello ka mid ah Madaxtooyadda, sida ay goob-joogeyaal Gobanimonews u xaqiijiyeen.




Goor sii horaysay waxa gaadhay Ciidamo tiro badan oo AMISOM ka tirsan.




Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Masuuliyiin kale ayaa madaxtooyada ka baxay wax yar ka hor markii weerarku dhacay, kana maqan goobta la weeraray.




Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan Dugsiga Tababarka ee Xalane ee Magaalada Muqdisho halkaasoo uu shir kula leeyahay Saraakiil cadaan iyo Afrikan isugu jira oo booqasho ku jooga dalka.




Weerarkan ayaa dhacay saacaddo kaddib markii toogasho lagu dilay saaka Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamankii KM ahaa.




Wuxuu noqonayaa weerrarkii ugu cuslaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ay bilatay Bisha Barakaysan ee Ramadan.




Weerarro hore oo noocan ah.




Dhowr bilood muddo haatan laga joogo, ayaa Kooxda Alshabaab weerar noocan oo kale ah ku qaadeen Madaxtooyada.




Madaxda Dawladda ugu saraysa ayaa todobaadkan gudihiisa wacad ku maray in lala tacaalayo dagaalka kooxaha nabad-diidka ay ugu yeereen.




Hanjabaado ka soo yeerayay ayaa lagu sheegay dagaal balaadhan oo lagu tirtirayo Alshabaab.




Laakiinse waxa muuqata inaanay sheekadaas wax soconaya ahayn, isla markaana tani kashifayso dhamaan qorshe kasta loo dejiyay Amniga caasimada.




Weerarkani wuxuu ka duwanyahay kuwo kale oo lagu qaaday aqalka Baarlamanka oo kii u dambeeyay todobadkii hore dhacay.




Aqalka Baarlamanka waa laga difaacay dablay jihaad doon ah oo soo weerartay markii labaad intii ramadaan lagu jiray.




Arinta isweydiinta leh waxay tahay sababta Baarlamanka loo geli kari waayay ee Aqalkii dalka looga talinayay gudaha loogu galay.




Tani waxay iftiminaysaa baylah badan oo dhanka amniga ah oo madaxtooyada ka jirta.




La soco wixii ka soo kordha iyo madaxda dawladda oo ka hadlaya arrintan…