Pages

Wednesday, July 9, 2014

Salaadiin & Cuqaal Ku Baaqay In Xuduumadda Loo Daba Fadhiisto Biyo Gelinta Hargeysa

Hargeysa (GNA)-Salaadiinta, Cuqaasha iyo Aqoonyahanka Beesha Degta Deegaanka Xumba weyne ee waqooyiga Hargeysa iyo gobolka Saaxil, ayaa waxa ay ku baaqeen in xukuumadda faraha looga qaado howsha biyo gelinta caasimadda Hargeysa.
Madax dhaqameedkan oo saaka shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay beeshu ku soo bandhigeen mawqifkooda ku aaddan biyaha Hargeysa uga imanaya deegaamadda Jaleelo iyo Xumbaweyne ee waqooyiga magaalada Hargeysa oo buuq ka taagan yahay qaabka loo soo gelinayo, waxaanay sheegeen inay xukuumadda uga daba fadhiisan doonaan sida loogu taliyo biyahaasi.
Suldaanka Guud ee Beesha Ciise Muuse Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi "Waxaanu leenahay wixii dalka iyo dadka ee Hargeysa u maslaxad ah ha la raaco, ayaanu leenahay, haddii uu meesha reer soo galana dawlad nimadu way burburaysaa, anaga oo ah dadkii deegaanka lahaa oo hadana dadkayagii aamusiinay, waxaaan leeyahay ha laga waantoobo wixii dadka kala kaxaynaya. Dawladana waanu ku garab taagan nahay, wax allaale wixii aynafartay iyo wixii taageera ahna waanu siinaynaa" ayuu yidhi
Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab) oo ah Guddoomiyaha Guddida Beeshaasi ee Dan iyo Duco, oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa dhamaan dagmada gacan libaaax booyad mooyaane inta badani biyo qasabad ah ma cabaaan, waxaanu leenahay anagu cidna aflagaadayn maynee ha la iska daayo aflagaadada, biyahana waynu u wada baahan nahay, waxaanu lee nahay dadka halaga daayo waxyaabahaas ku saabsan biyaha Hargeysa"
Jiif Caaqil Axmed Caaqi Yare, Jiif Caaqil Jaamac Caraale Samater, Oday Cumar Diiriye Yuusuf iyo Cuqaal iyo Aqoonyahan ka mid ahaa dadkii goobtaasi ka hadlay, ayaa waxa ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumadda u daba fadhiisan doonaan wixii la xidhiidha biyo gelinta caasimadda Hargeysa.