Pages

Saturday, July 19, 2014

Kenya oo 6 qof oo kale lagu dilay weerar xalay ka dhacay Xeebta Lamu


Violence-in-Kenyan-coastal-town-kills-48Lamu(GNA)-Ugu yaraan shan ruux ayaa lagu dilay xalay weerar  ay fuliyeen dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan oo lagu qaaday gaadhi bas oo marayay meel u dhaxaysa Deegaanka Hindi iyo Magaalada Lamu ee Gobolka xeebta ku yaalla ee dalka Kenya.




Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa ka tirsanaa Ciidanka Bilayska, kuwaasoo qayb ka ahaa kolanyo Boolis ah oo u soo gurmaday gaadhiga Rakaabka siday oo wadada laga afduubay.




Taliyaha Ciidanka Bilayska Gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa xaqiijiyay inay laba ka mid ah askarta ciidankooda iyo saddex qof oo ka mid ah rakaabkii  gaadhiga saarnaa ku dhinteen iska hor-imaad dhex maray dablay wax weerartay iyo Ciidan isku dayay inay badbaadiyaan gaadhiga iyo rakaabka.




Wali waxa la la’yahay dad ka mid ah rakaabkii gaadhiga saarnaa, mana jirto cid sheegatay weerarkan.




Ciidanka Bilayska ee Lamu ayaa sheegaya inay baadhayaan cida ka dambeysay weerarkan, waxaanay intaasi ku dareen inay talaabo ka qaadayaan kuwii fuliyay.




Wariye ku sugan Magaalada Mombasa ee Xeebta ayaa VOA u sheegay inay dad kale  ku dhaawacmeen weerarkaas.




kenya killings




Ugu yaraan lixdan qof ayaa dhawaan lagu dilay weerarro ka dhacay dhowr magaallo oo ku yaalla Lamu.




Weerarradan ayaa dhacay dhowr usbuuc uun ka hor, waxaana sheegatay Kooxda Al-shabaab ee Somalia ka dagaalanta.