Pages

Saturday, July 19, 2014

Maraykanka oo Cunno qabateyn Culus ugu hanjabay Ruushka


barack-obama-with-United-states-flagHargeisa (GNA)-Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa sheegay in la hayo caddeymo muujinaya inay Maleeshiyaadka gooni u goosaadka ah ee ruushku taageeraa soo rideen diyaaradii Malasia Airline ee Khamiis ku soo dhacday Dalka qalalaasuhu ka taaganyahay ee Ukraine.




Ruushka ayaa iska fogeeyay eedda odhanaysa in Ruushka iyo Kooxaha uu taageeraa soo rideen diyaaradan oo siday 395 qof oo Rakaab iyo shaqaale isugu jirt,




Madaxweyne Obama oo xalay hadlay ayaa sheegay inay Washington iyo Caalamku go’aan adag qaadan doonaan hadii lays hortaago baadheyaasha Caalamiga ah ee loo diray meesha uu yaallo bur-burka diyaarada Malasia leedahay.