Pages

Saturday, July 19, 2014

Gaza oo lagu dilay 60 qof oo falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay


Somalia oo cambaareysay Duulaanka Yuhuudu ku hayso Gaza iyo xoghayaha Qamada midoobay oo maanta Booqanaya Bariga dhexe.




article-2686408-1F8232AB00000578-358_964x641




Gaza(GNA)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban kin Moon ayaa Maanta oo sabti ah booqanaya Mandaqada Bariga dhexe oo ay wali ka socdaan Gulufka Israel ku hayso marinka Gaza.




Ban kin moon ma gaadhi doono Gaza oo ah xudunta waxa loogu yeedhay xasuuqa shacbiga reer falastiin, hase ahaatee wuxuu isku deyi doonaa inuu dhexdhexaadin ka dhex bilaabo Dawladda Yuhuuda iyo Kooxa Reer Falastiin.




Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha amaanka ee QM, ayaa shalay lagu ansixiyay socdaalka xoghayaha guud, kaasoo ku soo aaday xili ay wali sii socdaan weerarada cirka iyo Dhulka ah ee Milateriga Isreal ay ku hayaan Dhulka falastiniyiinta.




Ugu yaraan lixdan qof ayaa lagu dilay hawl-galo ciidamada lugta iyo kuwa cirka oo kaashanaya Maraakiibta dagaalku ku qaadeen Magaalooyin ku yaalla  Gaza oo ay ka mid tahay Magaalada Khan yonis iyo deegaamo kale.




Dadka dhintay waxa ka mid ahaa Saddex Carruur ah oo walaalo ah iyo shan qof oo isku qoys ah, kuwaasoo ay Ciidamada Yuhuudu Gantaaleyaal qabadsiiyeen guryo ay ku noolaayeen laba magaalo oo ka mid ah Dhulka Falastiin.




Kooxaha iska caabinta wada ee reer Falastiin ayaa sheegay inay hal askari ka dileen ciidamada Israel, tiro kale dhaawacyo u geysteen, kaddib markii iska hor-imaad dhex maray Ciidanka Lugta Yuhuuda iyo mid ka mid dhaqdhaqaaqyada falastiin.




Tiradda dhimashada Falastiiniyiinta ayaa laba todobaad gudahood maraysa ilaa 300 oo ruux oo rayid u badan, kuwaasoo ay ciidamada yuhuudi laayeen.




Dhinaca kale Reysal-wasaaraha Turkiga Reccap dayib ordegon, ayaa ku tilmaamay xaalada bariga dhexe ka aloosan waxa uu ku tilmaamay dagaal ay wadaan masixiyiinta Caalamka oo isbahaystay, waxaanu intaasi ku daray inaan loo sii dulqaadan Karin dagaalka lagu hayo shacbiga reer falastiin.




Ordogan oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen aqoonyahano iyo madax ka socda wadamada islaamka ayaa Qaramada Midoobay iyo reer Galbeedka ku inay hab laba wajiilayn ah uga hadlayaa dhiiga dadka rayidka ah ee lagu daadinayo GAZA, waxaanu sidoo kale cambaareeyay dawladda masar iyo hogaamoyeyaasha kale ee dunida carabta oo uu sheegay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibta socota. 




“waxa dhacayaa waa dagaal ay wadaan Masiixiyiinta Caalamka oo isbahaystay, maaha wax kale waa reer Galbeedka iyo masixiiyiinta kale oo bilaabay isbahaysi Caalami ah, taasna waxay keenaysaa dhiibato Caalami ah. Mana aqbali karno”ayuu yidhi Reccap.




Dhanka kale, dawladda Somalia ayaa markii ugu horaysay Cambaareysay dagaalka ka socda bariga dhexe waxaanay ku tilmaantay xasuuq cad oo lagu hayo shacbiga Falastiiniyiinta “Dawladda Somaaliya waxay aragtaa arrintan waxaan loo dulqaadin karin oo ah  xasuuq lagu hayo shacbiga reer Falastiin,waanaan ka cambaareynay shirka, laakiinse dawladihii carabta ee xaaladani tooska u khusaysay ayaad moodaa inay ka gaabiyeen doorkoodii”sidaas waxa yidhi ku-xigeenka Reysal-wasaaraha Somalia ahna wasiirka diinta iyo awqaafta Md. Ridwaan.