Pages

Tuesday, July 8, 2014

Vertonghen: Netherland wey ka reebaysaa Argentina koobka aduunka.


432435_heroa-620x360Xidigii baasha difaaca ah uga ciyaarayay xulka Belgium ee Jan Vertonghen ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in Safarkii xulka Argentina ee tartanka Koobka aduunku uu ku soo af-jar mayo ciyaarta semi Finalka ee ay wajahayaan xulka Netherland.




 




Argentina ayaa ku garaacday xulka Belgium 1-0 uu gadh wadeen ka ahaa Gonzalo Higuain habeenkii Sabtidii, laakiin Vertonghen ayaan u bogin qaab ciyaareedkii xulka koonfurta Maraykanka ka socday, waxaanu dareensan yahay in si fudud looga reebayo Tartanka.




 




“Waxay ila tahay in Argentina tartanka ka hadhayso ciyaarta Netherlands ee semi-final-ka ah. Dhab ahaana sidaas ayaan filayaa,” ayuu Vertonghen ku yidhi shabakada Goal.com.




 




“Netherlands waa xul aad u awood badan oo ciyaara kubad qurux badan. Had iyo jeer waa kuwo ku raaxaysta kubada, waxaanay leeyihiin awoodii ay ku reebi lahaayeen Argentina.”