Pages

Monday, July 21, 2014

James Rodriguez Oo Gaadhay Caasimada Madrid.


1404148466_extras_noticia_foton_7_1-500x397Xidiga kooxda Monaco James Rodriquez ayaa maanta ka degay garoonka Madrid si uu isniinta ugu maro tijaabada caafimaadka kooxda aadka u danaynaysa heshiiskiisa ee Real Madrid.




 




Laacibkan ayaa kasoo kicitimay Medellin Wadanka Colombia halkaasoo dalxiis ahaan uu u joogay kadib bandhigii fiicnaa ee uu ka muujiyey Koobka Adduunka isagoo dhaliyey lix gool noqdayna xidigii ugu goolasha badan tartankaas.




 




Kooxaha Real Madrid iyo Monaco ayaa qarka u saaran in ay ku heshiiyaan Adduun lacageed oo lagu qiyaasay 71 milyan oo Ginni inay kula kala wareegaan.




 




Haddii heshiiskani sidaas ku dhamaado, lacagtuna noqoto sida la filayo intaas , wuxuu James kamid noqon doonaa xidigaha ugu qaalisan dunida.