Xidiga kooxda Monaco James Rodriquez ayaa maanta ka degay garoonka Madrid si uu isniinta ugu maro tijaabada caafimaadka kooxda aadka u danaynaysa heshiiskiisa ee Real Madrid.
Laacibkan ayaa kasoo kicitimay Medellin Wadanka Colombia halkaasoo dalxiis ahaan uu u joogay kadib bandhigii fiicnaa ee uu ka muujiyey Koobka Adduunka isagoo dhaliyey lix gool noqdayna xidigii ugu goolasha badan tartankaas.
Kooxaha Real Madrid iyo Monaco ayaa qarka u saaran in ay ku heshiiyaan Adduun lacageed oo lagu qiyaasay 71 milyan oo Ginni inay kula kala wareegaan.
Haddii heshiiskani sidaas ku dhamaado, lacagtuna noqoto sida la filayo intaas , wuxuu James kamid noqon doonaa xidigaha ugu qaalisan dunida.