Pages

Monday, July 21, 2014

Boqol ku dhowaad lagu dilay Gaza iyo Yuhuud oo Qaxay Israel


[caption id="attachment_91327" align="alignleft" width="300"]Falastiinyiin Maydad sida Falastiinyiin Maydad sida[/caption]Gaza(GNA)-Ugu yaraan lixdan qof falastiiniyiin ah iyo 13 askari oo Yuhuud ah ayaa lagu dilay Magaalada Gaza maanta oo Axad ah.




Milateriga Yuhuudda ayaa sheegay in 13 Askari laga dilay Ciidankooda.




Qiyaastii dad rayid ah oo gaadhaya 200 ruux ayaa ku dhaawacmay Dagaalka, sida laga soo xigtay saraakiisha Caafimaadka ee Magaalada Gaza. Waxaana warku intaas ku daray inay jiraan meelo badan oo ay geli kari waayeen kooxaha caafimaadka ee gurmadka deg deg ah wadaa.




Wakhti kooban oo xabad joojin ah ayaa la gaadhay si dadka dhaawacyada ah iyo Maydadka looga qaado meelaha waxyeeladu ku soo gaadhay.




Ku dhowaad lixdan Askari oo kale ayaa Ciidanka Israel laga dhaawacay Axada Maanta, waxaanay warbaahinta reer galbeedka qaar sheegayaan in dagaalka socda ilaa 100 dhaqdhaqaaqa Falastiniyiinta ah lagu dilay ilaa khamiistii la soo dhaafay.




Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay Shejaiya, halkaasoo ay dad badani ku dhinteen Duqeymo cirka iyo Dhulka looga soo ganay oo ay fuliyeen Ciidamada Israel.




Ururka Xamaas iyo dawladda Falastiin ayaa weerarkan ku tilmaamay xasuuq.




Reysal-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu sheegaya inay Ciidamadiisu beegsanaya meel kasta oo ay kooxaha wax iska caabinta reer falastiin ku dhuumaalaysanayaan. “waxaanu ka walaacsanahay dhibaato kasta oo dad rayid ah loogu geystay dagaalka aanu kula jirno Kooxda Xamaas”ayuu ku yidhi Benjamin Netanyahu Barta Tweeterka uu ku leeyahay.




In kabadan afar boqol oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka u dhexeeya falastiin iyo Yuhuudda muddo ka yar laba todobaad oo qudha, halka Israelna la wariyay inay ka dhinteen labaataneeyo askar u badan.




Boqolaal Yuhuud ah ayaa la sheegay inay iyaguna maalmihii ugu dambeeyay ka qaxayeen magaalooyin Ururka Xamaas Gantaleyaal ku riday, kuwaasoo ay cabsi badani la soo deristay.[caption id="attachment_91328" align="alignleft" width="300"]israelYuhuud qaxaysa[/caption]




Xaaladda ka socota GAZA oo ay caalamka oo dhan si weyn isha ugu hayaan ayaa ka cadheysiisay waddamo badan oo islaam ah.




Reysal-wasaaraha Turkiga Reccap Dayib Ordegon oo khamiistii ka hadlay kulan ay wadamada islaamku ku yeesheen Magaalada Anchor ayaa ku tilmaamay xaaladan mid ay wadaan Masiixiyiinta adduunka oo iskaashi ka dhan ah islaamka bilaabay.




Gulufka ayuu ku micneeyay mid abuuri kara xiisad diimeed oo caalami ah, taasoo uu farta ku fiiqay inay horseed ka yihiin reer galbeedku.




Ban kin moon




Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta gaadhay Dalka qadar isagoo ku sii jeeda bariga dhexe, si uu collaada socota xal ugu raadiyo.




Moon ayaan booqan doonin GAZA, hase ahaatee waxa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda carabta iyo dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo ee Falastiin iyo Israel.