ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Masar Mohamed Saleh ayaa loogu yeedhay in uu ku ku noqdo dalka Masar si uu ugu adeego militariga dalkiisa.

Saleh oo Chelsea kaga soo biiray Basel January sanadkan, ayaa waxa qasab ku noqotay in uu iska diwaan geliyo wasaarada waxbarashada Masar si uu uga ciyaaro England.
Mohamed Salah
Si kastaba xaalku ha ahaadee, 22 jirkan ayaa sida lagu baahiyey shabakada ciyaaraha kingfut.com, waxay wasaarada ka codsatay xidigan in uu dib ugu soo noqdo wadanka gudihiisa uuna guto waajibaadka loogu yeeray.
Saleh oo ciyaartii saaxiibtinimo Chelsea la yeelatay AFC Wimbledon Gool u dhaliyey, ayaa waxa waajib looga dhigay in uu kusoo noqdo Masar si uu u guto koorso Militeri muddo dhan 12 bilood.
Ciyaaryahanka reer Masar ayaa xidhiidh dhanka Teleefoonka ah la sameeyay Madaxa sarre ee maamulka qaranka Masar ee Ahmed Hassan sida aan kasoo xiganay kingfut.
“Waxa uu ii sheegay in uu isku dayayo in uu matalo Masar qaabka ugu fiican. Tani ma jawaabta ugu fiican ee wadanka laga bixin lahaay baa?,”.
Mohamed Saalah in ChelseaWaxaa hada lagu balamay kulan u dhaxeeyo Xiriirka kubada cagta Masar iyo wasaarada Waxbarashada si xal looga gaaro arintan.
Shakii kama taagno hadii kooxda Chelsea ogaan laheyd marxaladan ma soo iibsan laheyn xidigan reer Masar oo mustaqbalkiisa hareeyay muran kaga imaanayo dalkiisa hooyo.
Laacibkan ayaa ah mid Qadiyada Falastiin aad u taageero isagoo kulan ay kooxdiisa hore Basel la ciyaareysay kooxda reer Israel Maccabi Tel Aviv diiday in uu gacantiisa geliyo kana doorbiday in uu gacantiisa duubto sidaasna uu ku salaamo.