
Mulkilaha Hudheelka Carwada Bisha Ramadaan lagu qabanayo Cali Xasan Guuleed ayaa sheegay inay tobanka bisha Ramadaan oo ku began 8/7/2014, fureyaasha ku wareejinayaan Dadkii meherada ka kiraystay Mall-ka weyn ee loogu talo galay Carwada.
Waxa kale oo uu sheegay inay cidii danaynaysa ee kale ay inta ka horaysa furitaanka carwada iman karaan Hudheelka si ay u kiraystaan qolal kale.
Carwada ayaa socon doonta inta ka hadhay Bisha ramadaanta, iyadoo loogu talo galay inay dadku kaga maarmaan suuqyadii cidhiidhiga ahaa ee ay Wakhtiga Ciidu soo dhawaato wax ka soo iibsan jireen.
Maamulaha Guuleed Hotel ayaa isaga oo sii hadlaya yidhi “Waxa mar labaad aan si xishmad leh aanu fursadan dahabiga idiin siinaynaa inaad ka faa’iideeystaan, Kiraduna aad ayey u jaban tahay, si aad u wanaagsan cid walba oo doonaya waanu u soo dhaweeyn doona, waxaanay dadku nagala soo xidhiidhi doonaan si ay isu diwaan-geliyaan Numberada kala ah 0634427343, ama 0634743959, ama aligulaid1@yahoo.com”. Ayuu yidhi.