Pages

Sunday, July 6, 2014

Xulka Holland Oo laba cad ka dhiggay xulka Costa Rica.


Xulka Qaranka Holland ayaa u soo baxay Semi finalka Ciyaaraha koobka Aduunka, kadib markii rikoordhayaal 4 – 3 ay ka gabadiyeen xulka Costa Rica oo ciyaar aad u adagi dhex martay.




Xulka Holland weerar culus ku hayey xulka Costa Rica,balse waxay la kulmeen difaac aad u adag oo difaacayey.Qeybtii hore ee ciyaarta Holland waxay heleen fursado aad u yar inkastoo dhowr jeer ay biraha garaaceen,laakin nasiibkaa u diiday inay gool dhaliyaan.




Xulka Costa Rica laftigeedu waxay heleen fursado aad u yar oo xitaa ciyaarta soo afjari lahaa, laakin waa laga diiday inay wax goola dhaliyaan, halka Holland lafteedu laacibkeeda Wesley Sneijder uu ilaa sedex jeer biraha garaacayay si uu gool u dhaliyo.




Si kastaba ha ahaatee ciyaarta ayaa lagu daray 30-daqiiqo oo dheeraad ah markii waqtigii loogu talogalay ay ku soo dhamaatay 0-0,Netherland waxay isku dayeen inay weerarrada xoojiyaan laakin wax soo kordhay ma jirin.




 




Ciyaarta wixii ugu cajiibka badnaa ayaa ahayd markii tababaraha xulka Holland Louis van Gaal markii ciyaarta oo ka dhiman daqiiqad qudha u soo geliyay gool-hayaha naadiga Newcastle United Tim Krul kaasoo loo soo galiyey inuu qabto rikoodhayaasha.




 




Tim Krul ayaa xulkiisa u horseeday Semi final-ka, ka dib markii uu laba rigoodhe ka qabtay xulka Costa Rica, weliba sadexda ka dhalatay ayuu isku dayey inuu qabto balse aanay u suuragalin.




Riyada Van Gaal ee ahayd inuu ciyaaro kulan adag iyo badalka uu ku sameeyey gool-hayaha ayaa u suuragalisay inuu xulkiisa u soo saaro Semi-Finalka waxayna ku dhici doonaan xulka Argentina.Waxaa isku soo hadhay laba Yurub ah iyo laba Laatiin Ameeriko ah.




14 23 441 661 991