Boorama-(GNA)-Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa ku eeddeeyay Xukuumadda talada haysa iyo hoggaanka KULMIYE inay sabab u ahaayeen dawladaha jaarka ah ee xidhay xuduudka ay la wadaagan Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay in Wasaaradda arrinaha dibadda iyo arrimaha guduhu ku fashilmeen siyaasaddii dibadda iyo nabadgelyadii, kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay in hawadii Somaliland maanta laga maamulo Muqdisho, sidaana waxa uu ku sheegay mar uu xalay khadka Telifoonka ugu waramayay Wargeyska Ogaal, isagoo ku sugan magaalada Boorama.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee xisbiga Waddani, waxa uu sheegay ka xisbi ahaan ka xun yihiin dad u dhashay reer Somaliland in dalal kale loo dhiibo. “Anagu ka xusbi ahaan waanu ka xunahay, sababta aanu uga xunahayna waxa weeye waa dad reer Somaliland ah oo eedaysanayaal wax danbi ah oo ay galeen iyo maxkamad ku cadaysay aanay jirin. Qofka muwaadinka ah ee reer Somaliland waxa uu xaq u leeyahay haddii uu danbi galay in dalkiisa maxkamad lagu saaro oo lagu xidho, markaa waxay ahayd in marka danbi lagu helo talaabo laga qaado.
Qofkii oo maxkamad la marin, dalkiisiina lagu xukumin in dal kale loo dhiibaa waxaanu leenahay waa siyaasad xumida maanta jirta, waana arrin aad looga xumaado,”ayuu yidhi Guddoomiyaha kowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed.
Waxa Gudoomiyuhu sheegay in sabab u tahay inay xuduuda xidhaan dalalka jaarka la ah Somaliland Siyaasad xumada dibadda ee maanta dalka ka jirta iyo cabsida laga qabo inuu waxyeelo gaadhsiyo ammaanka dalka khilaafka hadheeyey xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE wuxuu yidhi, “Runtii waanu ognahay in xuduudihii xidhan yihiin, waxaana lagu xidhay xuduudaha Siyaasad-xumada xisbiga talada dalka haya maanta ee KULMIYE, waxaana la og-yahay in xisbi-xaakimkii talada dalka hayey uu hirdan badani gudihiisa ka jiro.
Qaraxyo badan ay Hargeysa gudaheeda ka dhaceen oo Xukuumadda iyo Xisbigeedii ay noqdeen laba qaybood oo iska soo horjeeda. Wasiirada xukuumadda qaar ka mid ahna xagjirnimo lagu eeddeeyay, wax yaabahaas oo dhan marka la ururiyo waddamada jaarka ah Jabuuti iyo Itoobiya waxay xaq u leeyihiin inay amnigooda ilaa shadaan , xuduudkoodana xidhaan, markaa taas waxa keenay maamul-xumada iyo Siyaasad dabacsanaanta Siyaasadda dibadda ee maanta ka jirta dalka.
Dawladii maanta dalada haysay iyo xisbigii ay ka soo baxday xukuumadu ee talada hayey laba guruub u kala jabeen ayaa runtii u sabab ah inay xidhaan xadkooda. Waddamada jaarka ah haddii ay arkaan dawlada markaa jirta inay la shaqayn karayn ama cabsi badani soo food saarto inay xuduudkooda soo xidhaan waa wax ay xaq u leeyihiin iyagu.” Gudoomiyuhu waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Anagu waxaanu u aragnaa in shicibkii reer Somaliland ee dhawr iyo labaatanka sanno u soo halgamayey madax-bannaanida iyo gooni isu-taagooda in ay maanta geed cidla ah ku xidhay xukuumadda maanta talada haysa, markii hore waddamada aynu ku tagi jirnay Baasaboorkeena maanta lama tagi Karin, waxaana ku eeddaynaynaa siyaasad-xumada dawladda ee maanta jirta ama Siyaasadda dibadda ha noqoto ama siyaasadda arrimaha gudaha oo labadaba ku fashilmay.”
S. Guddoomiye waxa aad sheegtay in waddamada ay xuduudaha la leh ama la jaarka ah Somaliland khilaafka xisbi-xaakimka KULMIYE iyo xukuumadiisa ka dhex jira ay sabab u tahay xidhitaanka xuduudkooda, markaa dalalka Itoobiya Iyo Jabuutu ma waxay ka baqeen in khal-khal amni-daro ah kaga yimaado xadka Somaliland.? J. Marka aad arragto xukuumaddii talada haysay iyo xisbigii ay ka soo baxday oo gudahoodii is haysto, wixii Hargeysa ka dhacayeyna aad arkaysay cid walba way shakiyeysaa.
Gudoomiyuhu waxa uu ku dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay ka gaabisay Siyaasadda hawada Somaliland ee lagu wareejiyey dawlada Xamar, wuxuu yidhi,“ Qaranka Somaliland waa qaran madax-bannaan oo caalamka 23 sanno ka doonayey in la aqoonsado gooni isu-taagooda, waana dal soo maray doorashooyin badan, waa dal xaq u leh in xuduudadiisa iyo hawadiisa inuu u madax bannaanado. Haddii maanta hawada Somaliland la yidhaahdo Soomaaliya ayaa laga maamulayaa, waa waxa dawladan maanta ay ka gaabisay.
Dawladihii hore ee soo maray dalkan gaar ayay u maamulan jireen hawada Somaliland, maamulkaas maanta jira siyaasad-xumadiisa ayaa ogolaaday in hawadii Somaliland iyo Soomaaliya meel qudha laga maamulo, markaa anagu waxaanu mar walba diyaar u nahay in Somaliland gaar hawadeeda u maamulato oo ay noqoto qaran madax-bannaan, caalamkana ka sugaysa Ictiraaf.”
S. Guddoomiye waxa aad sheegtay in la diiday Baasaboorka Somaliland, markaa dalalka hore u qaadan jiray ee diiday waa kuwee?
J. Waddankan jaar keena ah ee Itoobiya aniga ayaa ku tegay la isma baadhi jirin waxna laguma weydiin jirin marka Baasaboorka Somaliland aad sidato. Haddii Baasaboorka Somaliland aad maanta sidato Wajeelle ku dhaafimaysid. Waxa keenay siyaasad xumada dawlada. Waddanka intaas inoo jira ayay qadiyadii iyo nabadgelyadii Somaliland ka dhaadhicin karilayihiin.
S. Dawlada Itoobiya oo safaarad ku leh Caasimada Somaliland ee Hargeysa in siyar u tidhaahdo waanu xidhnay xadkii aanu la lahayn Somaliland, iyadoo xukaamadu ilaa immika wax go’aan ah ka soo saarin, sidee u arragtaa? J. Qaraxii hore uga dhacay caasimada Somaliland ee Hargeysa, saddex meelood ayaa ugu weynaa oo ay ku jireen Safaaradda Itoobiya, madaxtooyada iyo halkii ha’yaduhu ku jireen, maalin kaliya xadkooda may xidhin.
Maxaa immika loo xidhay iyadoo dhibaato weyn ka dhicin dalka? Wasaaradda amniga u xilsaaran ayaa ilaa immika ka dhaacin kari la waddamada aynu jaarka nahay nabadgelyadeena iyo xaalada dalka markaa waa nusqaan Wasaaradda abniga ah ayaa anigu u arkaa. Siyaasaddii arrimaha dibaddu way fashilantay, maalin kastana wefti ayaa loo dirayaa waddamada aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo Kenya. oo waa kuwii maalintii dhaweyd ka yimid ilaa immikana waxba ka dhaadhicin kariwayey.
S. Guddoomiye maa la odhan karin Xisbiyadii mucaaridka ee loo baahnaa in xukuumadda aad dhaliilaheeda iyo khaladaadka ay galayso in shacabka aad u soo bandhigtaan idinka ayaa ka seexday doorkii siyaasadda aad ku lahaydeen? J. Anagu runtii kamaanu gaabin ee intaas oo jeer waxaanu ka hadalnay siyaasadda arrimaha dibadda oo anagu ka xisbi ahaan shirkii danbe ee Turkiga waanu qadacnay.
Waxaana keenay shakiga jilicsanaanta iyo go’aan qaadasho la’aanta ka muuqda xukuumadan. Siyaasaddii arrimaha dibaddu waxay noqotay ganacsi, Waa dawlad raadinaysa oo kaliya lacag. Maaha xukuumad ku adag qaran nimada iyo midnimada Somaliland, tiina wataas maanta soo baxday ee hawadii Somaliland laga maamulayo Soomaaliya, waana nasiib-daro in dhagaha shacabku ay maanta maqlaan.
SOURCE:OGAAL