Pages

Friday, May 16, 2014

Xukuumadda Siilaanyo ma Colaadii Kalshaale ayey dib uga hurinaysaa Maygaagle?


Waa maxay sababta Wasiirka Macdanta iyo Tamarta loogu diray dejinta Xiisada beelihii ku diray Maygaagle, iyadoo Wasiirkii Daakhiligu hawsha gudanayo?




Qurulugud(GNA)Saddex wasiir oo kala ah Wasiirka macdanta iyo tamarta, ku-xigeenka ganacsiga iyo wasiiro kale oo ay weheliyaan madax dhaqameed ka soo jeeda gobolka togdheer ayaa gaadhay magaaladda qorulugud, halkaas oo ay ka bilaabeen wadahadal la xidhiidha sidii loo dajin lahaa xiisada colaadeed ee ka dhalatay dil laba beelood ku dhex maray deegaanka maygaagle ee gobolka buuhoodle.wasiirka mac




Ergadan wasiirada ah ayaa la sheegay in ay la kulmeen beesha qorulugud waxaanay ka dalbadeen in xiisada la dajiyo, waxaanay ku hawlan yihiin sidii dhinaca kale na ergo dhinaca kale loogu diri lahaa. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay, isla markaana aanay dhicin wax iska hor imaad ahi.




Wasiirka arrimaha gudaha somaliland cali warancade ayaa la sheegay inuu u kicitimay dhinaca burco si uu uga qayb qaato waan waanta lagu dhex dhexaadinayo labada beelood.WarancadeCiidan1-264x300




Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ku sugan Magaalada Buuhoodle xarunta u ah deegaanka lagu dagaalamay Arbacadii.




Wasiirradan ayaa u muuqda kuwo kala socda oo qorshe nabaddeedkoodu habaqle yahay, hase ahaatee wasiir Xaglo-toosiye ayaa isagu hore ugu maqnaa deegaamada Buuhoodle oo uu mashaariic horumarineed ka fulinayay.




Kaasoo ay qabta iska hor-imaadka doraad dhacay ku qabsaday isagoo Gobolka ku sugan.




Dadka deegaanka ayaa Gobanimo u sheegay inay xaaladu caadi ku soo noqonayso , beelaha dirirayna ay waligood heshiin jireen, marka ay dhibaato ka dhex dhacdo.




Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa loo aanaynayaa inay qayb ka ahayd hurinta colaad aan beelaha dhex marin tobanaan sano oo sanadkii 2011 dhex martay, taasoo ka dhalatay muran ku dhex maray Deegaanka Magaaleynta ka caagan ee Kalshaale.




Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo colaadaasi markay dhacday hogaaminta dalka qariib ku ahayd, ayaa si xun oo markii dambe masuuliyiinteedu ku kala qaybsameen u maamushay joojinta wixii colaadu ka hurtay.




Waxaanay taasi sababtay saddex arrimood aad u fool xun dagaal lagu riiqday oo ka dhex qarxay dadka deegaan wadaagta ka ah Buuhoodle  iyo Qorulugud inta u dhaxaysa iyo Madaxdii dawladda oo iyadoo beelihii Dirirayaan Madaxtooyada ku kala saftay , kaddib markii ay isku af-dhaafeen Guddoomiyaha Guurtida Saleban maxamuud Aadan oo deegaanka Qorulugud ka soo jeeda iyo laba wasiir oo dhanka Buuhoodle ah.




Arrinta saddexaad ayaa ah markii uu dagaalka Beelaha ee laga hortegi waayay qarxay , waxa colaad nafo badan oo rayid iyo askar isugu jirtaa dhex martay Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland oo la geeyay Deegaanka Kalshaale ilaa Maygaagle iyo Maleeshiyaad reer Buuhoodle ah.




Dagaalkaasi ayaanay wali riiqdiisii hadhin, kana saameyn xumaaday kii dhex maray beelaha.




Si kastaba ha ahaatee waxay isweydiin iyo dareennada durba soo baxaya ee laga bixinayo weftiga ku baxay dhacdadan laba maalmood ka hor dhacday,  ay muujinayaan in xubnaha loo diray deegaanka shaqaaqadu ka soo korodhay aanay ahayn kuwo Maslaxad ka keeni kara xaalada, iyadoo si gaar ah farta loogu godayo, Wasiirka Macdanta  Somaliland iyo Wasiir ku-xigeenada la socda.




Waxaanay dadku isweydiinayaan sababta loogu soo diray hawl aan shaqadoodii ahayn.




Taasoo bedelkeeda lays weydiinayo inay xukuumadu dhibaatadii ka dhacday Kalshaale oo kale deegaankan ka hurinayso, isla markaana isku tumayso Wasiirka jooga buuhoodle iyo Bulshada deegaanka uu ku suganyahay oo Somaliland siyaasiyan wax badan ku diidan oo colaadii Kalshaale ka mid tahay.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@Gobanimonews.com