Dadka la hayb-sooco oo Dalbaday Kuraas Kooto ah, walaac iyo wer-wer dheeraad ahna sheegtay…
Dumarka ku jira Xukuumadda Siilaanyo Gabadh qudha ah oo Gabooye ahi kuma jirto..
Nuxurka Kulan lagaga dooday arrimahan oo Burco ka dhacay.Warbixin
Burco(GNA)-Ururka codka Haweenka laga Tirada Badanyahay VOSMWO ayaa ku qabtay Kulan lagaga hadlayay,Ka qabgalka siyaasada iyo iyo horumarka Magaalada Burco.
kulankan oo ay soo qabanqaabiyay ururka Vosomwo isla markaana ay maalgalisay Hay’ada NED waxaa ka soo qaybgalay,Madaxda Gobolka,Cuqaal,Qaar ka mid ah Hayadaha wadaniga ah,qaybaha kala duwan ee Beelaha Gabooyaha.
Shir hawleedkan oo Arbacadii dhacay, waxay ujeedadiisu ahayd sidii Beelahan laga tirada badanyahay ay uga qaybqaadan lahayeen Horumarinta iyo talada Dalka, sida shirka laga sheegay.
Ugu horayn Furitaanka Kulankaas waxa ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamud Yuusuf(Ubaxle) waxanu yidhi “dhaqankeena iyo diinteenu inama farayaan wax kala sareeyay kitaabkeena quraanka ayaa sheegaya in cida inoogu mudantahay cida illaahay u hogaansanta,anaguna cadaalad iyo sinaan baanu ku maamulaynaa wax kasta oo laydinkaga gardaranyahay wax ka qabshadeeda diyaar baanu idiinla nahay,madaxwaynuhuna hadii uu haweenka kooto u xidhay waxaan filayaa in idinkana uu si cadaalad ah idiin eegi doono”.
Gudoomiyaha Ururka VOSOMWO Nimco Iid Salaan oo iyana ujeedada kulankan ka warbixinaysay ayaa sheegtay in Beelahan la hayb soocaa ay u baahanyihiin in Kuraasta sharci dajinta kooto loogu xidho waxaanay tidhi “Kulankan waxay ujeedadiisu tahay sidii Beelahan laga tirada badanyahay ay uga qaybqaadan lahayeen Horumarinta iyo talada Dalka,waxaanu aad uga Xunahay Hadaladii dhawaan kasoo yeedhay Madaxwaynaha Somaliland ee ku saabsanayd Kootada loo qoondeeyay Haweenka iyo beelaha laga Tirada badanyahay ee ku sheegay labada Gole iyo shirkii Xisbiga talada haya ee Kulmiye taas oo aanu ku soo qaadin Kootadii Dadka laga tirada badanyahay laakiin uu sheegay oo ku koobay in haweenka loo ansixiyay.
Arintaasina waxay nagu keentay niyad jab iyo werwer dheeraad ah,Waxaanan u ragnaa arinta kaliya ee aanu kaga qabqaadan karo Siyaasada dalka inay tahay habka kootada oo kaliya”ayay tidhi.
Nimco iyadoo hadalkeedii sii wada waxay tidhi “madaama aanu tijaabinay inaanay kusoo baxayn doorashooyinkii tooska ahaa waxaanu madaxwayanaha cod dheer ugu sheegaynaa inaanad nagala noqon wixii aad hore noogu baas garaysay oo ah kootada oo aad si dhab ah noogala shaqayso sidii baarlamaanku u ansixin lahayeen” ayay tidhi.
Haweenaydan ayaa iyadoo hadalkeeda sii wada sheegay “waxaanu kaloo aad uga xunahay Falal beryahayn ka dhacayay Magaalada Boorame kuwaas oo lgu bartilmaameed sanayay beelahan,waxaanu ka codsanaynaa Madaxda Gobolka Awdal,waxgaradka,Dhalinata,Haweenka iyo Culimada inay wax ka qabtaan talaabadan ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha iyo dhaqanka Suunban, ugu danbayna waxan leeyahay madaxda Gobolkan Togdheer inay walaalahooda beelahan Fursadaha shaqo ka qayb galiyaan ayay nimco hadalkeedii kusoo xidhay”.
Oday Deeq Ismaaciil Mire oo ugu danbayn Kulankaas ka hadlay ayaa isna Beelahan ugu baaqay inay dedaalaan oo wax bartaan fadhigana ka kacaan,sidoo kale waxa uu ku baaqay in kootada beelahan loo samaynayo toro ku filan looga dhigo si aan hadhaw beelahan qaar u qadin.
Xeer Baarlamanku diiday
Xeerka u sameynta Haweenka iyo Beelaha la haybsooco Kuraas kooto ah ayaa horey Golaha Wakiiladda iyo Guurtida Somaliland u diideen inay ansixiyaan kuna celiyeen Madaxweynaha, isagoo Madaxweynuhuna mar kale inta laga war qabo Shir-guddoonka Baarlamanka u soo gudbiyay qoraal uu ku dalbnayo in xeerkaasi si uun loo maareeyo.
Waa run oo dadka la haybsooco iyo Haweenka Somalilandba waxay ku taamayeen in Madaxweyne Siilaanyo Khudbad sanaddeedkiisa 2014 Baarlamanka si cad ugu beyaamiyo in la ansixiyo xeerkaasi.
Laakiinse may dhicin, waxaanay taasi abuurtay kacdoon hoose oo ka soo guuxaya Bulshada dhexdeeda balse aan Shaaracyada siyaasada soo gaadhin, sida kan iminka haweenku ka dhawaajiyeen oo kalena muujinaya.
Haweenka iyo Beelaha la Hayb-sooco oo Doorashooyin ku hungoobay
Labada dhinac ee dalbanaya Kuraasta Kootada ah ayaa ku hungoobay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee sanadkii 2013-ka dalka ka qabsoontay, iyagoo Musharaxiin badan oo iska sharaxay dhanka beelah aanay soo bixin dhamaantooda, dhanka haweenkana tiro aad u koobin soo baxday.
Taasi waxay yoolkooda ka dhigtay mid aanay mar dambe u badheedhi Karin tartan.
Laakiinse dadka wax garadka ah ee ka soo jeeda beelahan ayaa ku dooddaya in sababta Guul-darada baday ay tahay mawaafaqo la’aan dhexdooda ah.
“Sababta ugu weyn ee Guul-daradan sababtay waxaan ku tilmaami karaa midnimo la’aan iyo awooddo naga baaxad weyn oo na riixaya, ayaa sababay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Suldaan Daakir oo ka mid ah Hogaan dhaqameedka Beelaha Gabooye.
Xilalka Xukuumadda Haweenku ka hayaan
Xubno badan oo Haween ah ayaa xilal ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marka dib loo eego dawladihii ka horeeyay.
Laba Wasiir oo Wasaaraddo muhiim ah jooga iyo laba wasiir ku-xigeen, Maareeye Hay’addeed iyo la Taliyaha Madaxweynaha arrimaha Haweenka,ayaa dhamaantood Dumar ah, laakiinse dhamaan xubnahaasi kuma jiraan Haween ka soo jeeda Beelaha Cabanaya.
Wasiirrada Dumarka ah ayaa kala ah Sam sam Cabdi Aadan oo Wasaaradda Waxbarashada Wasiir ka ah, Wasiirka Deegaanka iyo Duur-joogta, Shugri Xaaji Baandare, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Shugri Xariir Ismaaciil, Maareeyaha Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud iyo la Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Haweenka Amaal Xaaji Miisaan.
Sidoo kale waxa jira xubno dumar ah oo xafiisyo kale oo dawli ah madax ka ahaa, waxaanay dhamaan haweenkani ka tirsanaayeen Garabkii Haweenka ee Xisbiga kulmiye oo ay ahaayeen Koox ay si gaar ah isugu xidhnaayeen Marwada Madaxweynaha oo ay wali saaxiibo wada shaqeeya yihiin.
Xubin qudha ayaa Goleyaasha Baarlamanka kaga jirta haweenka, taasoo ah Xildhibaan Baar Siciid oo Wakiillada la soo doorto ka mid ah.
Beelaha la haybsooco ayaan iyaga cid ku meteshaa jirin Golaha Baarlamanka.
Si kastaba ha ahaatee dhamaan xilalkan oo dhami maaha kuwo u muuqda Haweenka, Beeluhuna ma hayaanba, waxaanay labada dhinacba doonayaan inay helaan metelayaan aan tartan siyaasaddeed ku iman oo Goleyaasha Dawlada uga muuqda.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office