Pages

Saturday, May 17, 2014

10 ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Nairobi iyo 500 Dalxiise oo ka qaxaya kenya


Nairo exNairobi(GNA)-Ugu yaraan 10 Ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba Qarax oo ka dhacay Suuq lagu Iibiyo Dharka, Agabka Guryaha lagu qurxiyo iyo Dharka oo ku yaala Caasimada Kenya ee Nairobi, tiro kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo.




Labada qarax ayaa mid ka mid ah lala beegsaday Gaadhi nooca Minibus-ka ah ee Dadweynuhu raacaan ah, ka kale wuxuu ka dhacay wax yar kaddib meel aan sidaas uga fogayn oo suuqa dhexdiisa ah.




Ugu yaraan todobaatan ruux ayaa la xidh-xidhay oo looga shakiyay  inay falkan ku lug lahaayeen, sida ay sheegtay xarunta Masiibooyinka Dabeeciga ah ee Kenya.




Taliyaha Guud ee Ciidanka Bilayska Kenya Benson Kibui, ayaa saxaafadda u sheegay in mid ka mid ah dadka la xidh-xidhay si weyn loogu tuhunsanyahay inuu ka mid ahaa kuwii fuliyay Qaraxyada.




Benson Kibui, ayaan faahfaahin intaasi ka badan bixin.




Haweenay ka mid ah dadkii goobta qaraxu ka dhacay joogtay ayaa Saxaafadda u sheegtay “ waxaan arkayay Qarax. Dadku waxay u yaacayeen meel kasta”.




“waan garanayaa dadka dhintay qaarkood”ayay hadalkeeda raacisay.




Ma jirto cid sheegatay Weerarkan, hase ahaatee Kooxda Al-shabaab oo hore u sheegatay weeraro laga fuliyay goobo muhiim ah ayaa la tuhunsanyahay inay ka dambeyso.




Weerraradan ayaa yimi maalin kaddib markii dawladda Kenya ku gacan saydhy digniin Dawladaha reer Galbeedku ka bixiyeen amnigeed, kuwaasoo mawaadiniintooda uga digay inay iskaga baxaan dalkaasi gaar ahaan Magaallada Xeebta ku taala ee Mombasa oo ay ku soo badanayaan kooxaha jihaad doonka ah  iyo goobaha dalxiiska.




Waxaanay tani u markhaati furaysaa Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Australia iyo Faransiiska oo dhamaantood mawaadiniintooda uga digay inay u safraan Kenya, kana baxaan kuwa joogaa.




Dalxiiseyaal ka qaxaya kenya




In ka badan shan boqol oo Dalxiiseyaal ah ayaa ka baxay dalka Kenya labadii maalmood ee la soo dhaafay, sida uu Reuters u sheegay mid ka mid ah Shaqaalaha hudheelada Dalxiiseyaashu ku soo degaan ka tirsan.




“shalay waxa baxay 282 oo Dalxiise, Maanta ilaa 300 sidoo kale”.




Dalka Kenya ayaa xaaladdo amni daro oo gudaha ah waajahay tan iyo markii ay Ciidamada dalkaasi gudaha u soo galeen waddanka ay jaarka yihiin ee Somaliya.




Kenya ayaa ku andacootay inay ka hor tegeyso Khatar kaga imanaysa Kooxaha Hubaysan ee dawladda Somalia dagaalka kula jira ee  Al-qaacida xidhiidhka la leh.




Hase ahaatee waxa muuqata inay Nairobi dhibaato gudaha ah kala kulantay Gulufka ay ku soo qaaday gudaha Somaaliya.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com