Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Somaliland Mudane Maxamed Shugri Jaamac ayaa dhambaal Hambalyo ah oo ku wajahan munaasibadda 18-ka May u diray guud ahaan shacbi waynaha Somaliland ee ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisaba.
guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Sidoo kale Waxa uu bulshadda reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabad-gelyadda dalka, isla markaana ay dhinac uga soo wada jeestaan fal kasta oo saamayn xun ku yeelanaya ammaanka iyo xasiloonidda dalka.
Maxamed Shugri Jaamac, waxa uu sidaasi ku sheegay war qoraal ah oo uu maanta soo saaray, kaasoo u dhignaa sidan “Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalka iyo dalka dibadiisaba munaasibadda xuska 23 guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland oo ku beegan maalinta 18-ka bishan MayShaqaaluhu maalintaasi waxay dhammaantood soo wada xidhan doonaan Astaamaha 18-may ”.
Waxa kale oo Guddoomiyahu ku baraarujiyay guud ahaan shacbiga Somaliland ee ku dhaqan daafaha dunida iyo gobollada dalka gaar ahaan Hargeysa iyo na waaxigeeda inay isugu soo baxaan dabaal-degan si ka weyn sidii kuwii hore,isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi,. “ Xuskani waa uu ka duwanaan doonaan xusaskii hore, waxaanu dadweynaha ka codsanaynaa inay si xoog leh oo xamaasad leh ay ugu soo baxaan isla markaasina ay si dhab ah u tusaan beesha caalamka in ay ka go’antahay madaxbanaanidoodu.”
Allaa mahad leh
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Somaliland
Mudane Maxamed Shugri Jaamac