Pages

Saturday, May 17, 2014

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland oo Lagu Soo Dhaweeyay Boorama


10388443_715123361885249_2087064239_nBoorama-(GNA)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismail “Saylici” Iyo wafti wasiiro ay ka mid yihiin wasiirada,xidhiidhka golayaasha,wasiirka biyaha iyo wasiirka xanaanada iyo xoolaha somaliland iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka somaliland oo uu hogaaminayo ayaa goor danbe oo galabta soo gaadhay magaalada Boorama ,waftiga madaxwayne ku xigeenka ayaa soo dhawayntiisa ayaa waxa ka qaybqaadanayay  maamulka gobolka kan degmada,Salaadiin iyo mas’uuliyiin kale kuwaasi oo kaga  hortagay magaalada Dilla oo Boorama u jirta 28KM.




Waftiga madaxwayne ku xigeenka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay gudaha Boorama waxaana uu ku dagay guriga Guest house ee Gobolka Awdal,madaxwayne ku xigeenka ayaa maalinta barri ah la filayaa in uu kala  qayb galo bulshada reer Boroama munaasabada 23 guurada 18 may ee qaranamida Somaliland.




Madaxwayne ku xigeenka oo warkooban siiyaya saxaafada markii uu soo gaadhay duleedka magaalada Boorama ayaa uga mahadceliyay dadwaynihii badnaa eek u soo dhaweeyay magaalooyinka gabiley dila iyo Boorama waxa kale oo uu sheegay in ujeedka safarkiisu yahay ka qaybgalka munaasabada 18may oo maalinta barrri ah si wayn looga dabaaldagayo guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan degmada Boorama




Si kastaba ha ahaatee safarka waftigani uu hogaaminayo madaxwayne ku xigenka somaliland  ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili habeenkan caawa si wayn ay ugu diyaar garoobayaan dadwaynaha reer boorama xuska 23guuraadii kasoo wareegtay  markii ay somaliland madaxbanaanideeda dib ulasoo noqotay iyadoo geesta kalena ay xusid mudantahay in habeenkii xalay ahaa uu mudaharaad ka dhacay xaafad sh.cali jawhar ee magaalada borama kaasi oo ay dhigayeen dhalinyaro kasoo horjeeday xukuumada Somaliland ee uu horkacayo madaxwayne axmed maxamed maxamuud "siilaanyo" kuwaasi oo watay calanka awdal state.




BY:Mustafe Caraale




Gobanimo news




Borama office




10374336_715123351885250_1860772034_n 10388443_715123361885249_2087064239_n Saylici2-300x168