Saturday, May 17, 2014

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland oo Shacbiga Baaq u diray 18 May


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga  ee Somaliland  Mudane Maxamed Shugri Jaamac ayaa dhambaal Hambalyo ah oo  ku wajahan munaasibadda 18-ka May u diray guud ahaan shacbi waynaha  Somaliland ee ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisaba.




guddoomiyaha Rugta Ganacsiga  Sidoo kale Waxa uu bulshadda reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabad-gelyadda dalka, isla markaana ay dhinac uga soo wada jeestaan fal kasta oo saamayn xun ku yeelanaya ammaanka iyo xasiloonidda dalka.




Maxamed Shugri Jaamac,   waxa uu sidaasi ku sheegay war qoraal ah oo uu maanta soo saaray, kaasoo u dhignaa sidan “Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalka iyo dalka dibadiisaba munaasibadda xuska 23 guuradda ka soo wareegtay  dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland oo ku beegan maalinta 18-ka bishan MayShaqaaluhu maalintaasi waxay dhammaantood soo wada xidhan doonaan Astaamaha 18-may ”.




Waxa kale oo Guddoomiyahu ku baraarujiyay  guud ahaan  shacbiga Somaliland ee ku dhaqan daafaha dunida iyo  gobollada dalka  gaar ahaan Hargeysa  iyo na waaxigeeda inay isugu soo baxaan dabaal-degan si ka weyn sidii kuwii hore,isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi,. “ Xuskani waa uu ka duwanaan doonaan xusaskii hore, waxaanu dadweynaha  ka codsanaynaa inay si xoog leh oo xamaasad leh ay ugu soo baxaan isla markaasina ay si dhab ah u tusaan beesha caalamka in ay ka go’antahay madaxbanaanidoodu.”




Allaa mahad leh 




Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga  ee Somaliland




 Mudane Maxamed Shugri Jaamac