Kenya: Boqolaal Dalxisayala Oo Laga Daad Gureyay Magaladda Mambasa Sababo Amaan Dartood .
Boqolaal dalxiisayaala oo u dhashay dalka Britain ayaa laga soo saaray meelahaa loo dalxiis tago ee dalka Kenya, Gaar ahaan magaalada Mombasa iyo xeebaha kale ee dalkaas, Kadib digniin ka soo baxday waaxda arrimaha dibada dalkaas.
Shirkadaha diyaaradaha ee tagi jiray Mombasa ayaa joojiyay duulimaadyadooda ilaa bisha October, Sidoo kale waxaa dib looga soo daad-gureynayaa dadkii fasaxa ku joogay ee u dhashay Britain.
Dowladda Britain waxa ay sheegtay inay jirto khatar heerkeedu sareyo oo ku wajahan dalxiisayaasha inay la kulmi doonaan weeraro iyo afduub.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in khatartu ay ka soo fool leedahay kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab oo hore weeraro uga geysatay gudaha Kenya.
Magaalada xeebta ku taala ee Mombasa ayaa waxaa bishii hore ka dhacay qarax ay ku dhinteen ilaa afar ruux, Halka tobanaan kalena ku dhaawacmeen.
Shirkadaha duulimaadka ku taga ee kala ah Thomson iyo First Choice ayaa hakiyay ilaa bisha October, Waxaana ay dib u soo qaadeen ilaa afar boqol oo lagu soo celiyay dalkooda, Si lacag la’aana

