Monday, April 7, 2014

Wasaaradda Maaliyada oo Shuruud ku xidhay bixinta Taarikada waddo-marista Bajaajta


Mulkileyaasha Bajaajta oo  Tuugo lagu qabtay, iyagoo Cashuur ka cabanaya




Agaasimaha maaliyada Hargeysa(GNA)-Shuruud ayaa lagu xidhay bixinta Taarikadda Waddo marista Gaadiidka Bajaajta ee ka shaqeeya Somaliland, ka dib markii Wasaaradda Maaliyaddu ogaatay in sifo sharci daro ah dalka lagu soo geliyo, taasoo  oo aan la soo marin nidaamka Cashuuraha la soo degista Gaadiidka ee dawladdu qaado.




Sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen xubno ka mida Masuuliyiinta Wasaaradda maaliyadda iyo  Saraakiil u shaqeeya waaxda Cashuuruhu, go’aankan ayaa ka dambeeyay ka dib markii la ogaaday in baabuurta yar yar ee Bajaajtu iyagoo fur furan waddanka la soo geliyo, ka dibna lagu xidho bileedho kuwo hore u shaqeeyay laga furay.bajaaj




Taasoo dadku kaga cararayaan inay bixiyaan cashuurta laga qaado Gaadiidka dibada lagala soo degmo ama xuduudaha ka soo gala.




“Markii aanu baadhnay qaabka dalka lagu soo geliyo Baabuurta yaryar ee Bajaajta loo yaqaano, waxaanu ogaanay in iyagoo fur-furan dalka la soo geliyo dabadeed marka la keeno inta laysku xidhixidho Bileedh mid hore oo fadhiisatay lagu xidho, iyadoo cashuurta lagala cararayo”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Sarkaal sare oo u shaqeeya Wasaarada Maaliyadda.




waxaanu intaasi ku daray " “dabadeed waanu joojinay in Taariko la siiyo gaadhi bajaaj ah  ilaa la xaqiijiyo meesha uu ka shaqeeyo iyo cida la soo degtay iyo halka laga soo geliyay”.




Masuul u hadlay wasaarada ayaa isna sheegay in go'aankan ay wareegto ku soo saareen Madaxda Wasaaraddu, una gudbiyeen hawlaha Guud iyo laamaha kale ee ka shaqeeya Gaadiidka.




Bajaajta ayaa ka mida Gaadiidka Dadweynaha qaada ee u kala goosha gudaha Magaalooyinka waaweyn iyo deegaamada Nawaaxiga ah la ah, iyadoo magaalooyinka ay ka shaqeeyaan dadku si weyn ugu tanaadeen adeeggooda isu socodka.




“waxaanu ka shaqeynaa Magaalada Burco gudaheeda, waanay jirtaa marar aanu gaadhno tuulooyinka Laamiga ah ee magaaladda ku dhadhow”sidaasi waxa yidhi mid ka mida waddeyaasha Bajaajta ka shaqeysa Magaalada Burco oo Gobanimo la hadlay.




Magaallooyinka Burco , Berbera,Laascaanood  iyo Boorama ayay Bajaajtu aad uga shaqaysaa, inkasta oo ay muddooyinkan dambe Gaadiidka Tagaasidu suuqa ka sii saarayaan magaalooyinka qaar.




Sidoo kale Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa ayay jiraan xaafaddo Baabuurta saddexda Taayir leh u yihiin isgaadhsiinta Gaadiidka ee ay dadku magaalada u soo raacaan.




Mulkileyaasha Bajaajta ayaa sanadkan si weyn uga cabanaya cashuuro aanay qaadi Karin oo lagu soo rogay, taasoo ay ka mid tahay lacagta Takaalifta waddooyinka ee noocyada Baabuurta ee ka waaweyn lagu soo rogay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com