Soomaaliland madaama oo ay tahay wadan soo koraaya oo dadaal ugu jira sidii uu bulshada caalamka uga mid noqonlahaa isla markaana wada hore u socod dhinac walba leh dadkeeda iyo dawladeeduna isku xidhan yihiin si adag oo wada jiana u wada sheqeeyaan isla markaana ah wadan dimuqraadi ah oo shacabkiisu si toos ah u soo doortaa hogaamiyayaashooda talada wadankuna tahay ul isku dhiib bilaa turxaan ah oo hadba hogaamiyaha doorashada laga helaa uu si gobanimo leh oo hufan u wareejiyo talada wadanaka sidoo kalena madaama ay soomaaliland haysato ciidamo kala gadisan oo si layaab leh oo mug iyo miisaan leh u carbisan oo iskugu jira kuwa xooga dalka, kuwa amaanka, iyo qaybo kale oo kala duwan dhinaca kalena wadanku uu leeyahay dhaqaale soo koraaya oo marba marka ka danbaysa oo badanaaya soona kobcaaya madaama oo soomaaliland atahay wadan maalin waliba oo ilahay keenaba laga maqlaayo farxad wada noolaansh hore u socod iyo nabad galyo taam ah oo aan dhamaan ilahay ugu mahad naqayno ayaa waxaa jira xaasidiin iyo cadaw ka xun waxaasi oo hore u mar ah ee ilahay ina siiyey iyo umadeena iyo dawladeena oo isku xidhan xaasidiinta ama cadawga koowaad ee iyagu cadaystay cadaawada soomaaliland waxaa kamid ah oo ugu horeeya labada idaacadood ee lakala yidhaaho BBC IYO VOA kuwaasi oo dhamaan dadka ka hawl gala ama warfidiyeenada ka hawlgala iyo madaxdooduba ay yihiin reer xamar nacayb ka bulshada reer soomaaliland qanjaha jaray oo ragaadshay meel kasta oo ay joogaana isku bahaystay nacaybka iyo dibindaabyeynta soomaaliland taasina waxaa cadaynaysa dhawaan waxaa soomaaliland aqoonsaday golaha deegaanka ee magaalada shifiil taasina oo aduunka oo dhan laga daawanaayey balse labadan idaacadood si cad ayey uga gaabsadeen inay sheegan warkaasi muhiimka ahaa taa ka soo hor jeedkeedana waxay ku mashquuleen inay u guul wadeeyaan dawlada fadhiidka ah ee madaxtooyada xamar xukumi kari waysay kuna fashilantay wax u qabashada iyo nabadaynta umadeeda dagaalada iyo barakacu la hadhay.
sidaa awgeed labadan idaacadood oo runtii ah cadawga koowaad ee jiritaanka umada soomaaliland waxaan leeyahay waar soomaaliland ilahay ayey leedahay umadeeduna way isku tashatay waxaanay ka tashatay mooryaanta xamar ee iyagu is cunaaya sida waaabaha iyo manaxayaasha maalinba meel laga soo cumaamado ee aan haba yaraatee ka turjumahayn baahida umada ay xukumayaan.
waxaan xasuusin lahaa inamada iyo gabdhaha reer xamar ee ka hawl gala labadan idaacadood ee aan soo sheegnay isla markaana caaystay cadaawada soomaaliland guul wadayntii iyo saxaafadiina kala saare kari waayey si khaldan oo qabyaaladaysan iyo dana gaarana uga faa,iidaysta idaacadaha ay ka waramaan haday guulwadayni wax tarayso iyo been abuur aan sal iyo raad toona lahayn oo aad dhahdaan xamar oo hilaacaysa oo amaan ah hada waaba iyadii oo gubanaysa car waa kaase guul wada nimaada aad u guulwadaysaan dawlada fadhiidka ah ee xamar ka qawlaysata bal wax ku tara oo dajiya intaad soomaaliland oo wax qabsatay aad afka ku soo taagaysaan idinkoon waxba yeeli karahayn waxna ka nusqaaminahayn waxna ka burburin karahayn.
guntii iyo gabagabadii waxaan idin leeyahay ka waan tooba xaasnimada iyo nacaybshaha aad soomaalinad u qabtaan.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)