SOLJA: Muslin kuma cabiidsamo Walloon madaxakaagoyne
Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabini”Warsaxaafaddeed
Hargeysa(GNA)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa si kulul u cambaareeyay xayiraadda xukuumaddu ku soo rogtay Wargeyska Haatuf Media, talaabada Ciidanku kula wareegeen xarunta xaruntiisa.
Kolanyo ka tirsan Ciidanka Birmadka Somaliland ee RRU-da loo yaqaano ayaa la wareegay xaruntii wargeyskaasi gelinkii dambe ee Maanta, waana xafiiskii warbaahineed ee saddexaad ee ay xukuumaddu ciidan ku qabsato labadii sanaddood ee ugu dambeeyay.
Warsaxaafaddeed Ururku soo saaray goor dhaweyd oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Ururkaasi Xasan Maxamed Yuusuf ayaa lagu sheegay in talaabooyinka noocan ah ee soo noqnoqday muujinayo gabbood fallo ku talo gal ah oo dawladdu kula dagaalamayso xoriyatal qowlka iyo Madaxbanaanida Saxaafadda.
Warsaxaafaddeedka ayaa u dhignaa sidan:
Ref: 001/04/14 Date: 07/4/2014
Ujeedo: WARSAXAFADEED
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee(SOLJA) wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guud ahaan xaruntii wargayska madaxabannaan ee HAATUF iyo SOMALILANDTIMES.
Waxa muuqanaysa in xukuumadda nicaadaysatay wax aan dalka hore uga jiri jirin oo waliba soo noqnoqonaya, taasoo ah in ka badan laba urur oo ciidana dul-gaysa xarumaha warbaahinta iyadoo sharciga waddanka u yaalla ku tumanaysa, tusaale cadna waxa u noqonaysa falkii HCTV iyo kii HUBAAL iyo kan hadda ay kula kacday HAATUF MEDIA GROUP kuwaasoo ay dhammaanba kula wareegtay xarummohoodii.
Waxaa halkaa ka muuqanaysa in fallalkani yihiin qorshayaal ku talagal ah oo ay xukumaddu go’aansatay inay kula dhaqanto saxaafadda iyo xorriyatulqawlka,Sidaa darted waxaannu xukuumadda u sheegaynaa in aannu si adaguga soo horjeedno dhaqankan cabudhinta iyo xoogsheegashada ah ee ay saxaafadda kula kacayso, oo ay ka fikirto saamaynta ay arrimaha noocana hi ku yeelankaraan dalkaiyo dadkaba,
Muslin kuma cabiidsamo Walloon madaxakaagoyne
Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabinin
Xukuumadda waxaanu soo jeedinayaa dariiqan ay qaadday inuu yahay mid cawaaqiboo aan cidna u fiicnayn, sidaaawgeed waxaannu kula talinaynaa inay ka noqoto arrintaoo ay dalka sharciga ku hagto.
ALLAA MAHADLEH
XASAN MAXAMED YUSUF
GUD: URURKA SUXUFIYIINTA SOMALILAND.