Pages

Monday, April 7, 2014

Guddida Beesha Bariga Burco oo Shir deg deg ah isugu imanaya


gar adagQoraal kooban oo caawa la soo gaadhsiiyay xafiiska warqabadka ee Gobanimo news ee Magaaladda Burco ayaa lagu wargeliyay xubnaha Guddi beeleedka Bariga Burco inay shir isugu yimaadaan inta ka horaysa 15 Bisha April.




Qoraalkaasoo uu soo saaray Guddoomiye ku-xigeenka Guddidaasi xubnaha guddida lagaga codsaday inay wakhtiga ilaaliyaan.




Guddida ayaa kaalin weyn ku lahaa waxyaabihii Madaxweynaha Somaliland ku soo badhi taaray saaxadda Siyaasadda ee uu Madaxweynaha ku hantay, taasoo laga soo unkay shirkii lagu qabtay Degmada Gar-adag, kaasoo lagu middeeyay aragtida siyaasaddeed ee Beelaha iyo danaha ka dhexeeya bulshooyinka kale eek u jira Xisbiga uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo.




Hase ahaatee dhawaan ayuu Geeriyooday AHN Guddoomiyihii Guddidaasi Maxamuud Maxamed Jaamac oo ahaa Maskaxdii muddadii shirkaasi ka dambeysay Guddida hogaaminaysay.




Wargalin Guddida Beelaha Habar-jeclo




Waxaa la farayaa Guddida Beelaha HABAR-JECLO  inay Shir isugu yimaadaan Mudada Hoos ku xusan si ay u dhamaystiraan Hawlaha U yaala.




Mudadaas oo ka bilaabmaysa 6 April 2014 kuna dhamaanaysa 15 May 2014.




sidaas daraadeed waxaa laydinka codsanayaa inaad mudadaas ilaalisaan.




Diiriye Jaamac Cabdi                




G/ku xigeenka ahna sii hayaha xilka beelaha Habarjeclo 




Mgacyada Gudiga Beelaha habarjeclo




1)Maxamuud Maxamed Jaamac- Gudoomiye -Alle haw naxariisto




2)Diiriye Jaamac Cabdi                   -G/ku xigeen 




3)Ismaaciil Axmed Xayir                   Xubin




4)Mahad Maxamed Cawaale           Xubin




5)Xasan C/laahi Axmed                     Xubin




6)Cismaan Xirsi Jaamac                      Xubin




7)Abokor Cumar Aadan                     Xubin




8)Maxmed Aadan Jaamac                Xubin




9)Maxamuud amaxamed Jaamac  Xubin




10)Barre Ismaaciil Cawed                  Xubin




11)Maxamud  Axmed Xirsi              Xubin




12)C/raxmaan Ibraahin Gaamuur  Xubin




13)Saleebaan Maxmuud Cali          Xubin




14)Cabdi Maxamuud Qaloonbi       Xubin




15)Cawil Daahir Cabdile                   Xubin




16)Axmed Xaaji9 Aadan                    Xubin




17)Mahad Nuux Xuseen                   Xubin




Axmed Muuse maxamed




Gobanimonews




Burco Office