Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo shaqada Fasax kaga maqan markii ay xaglo-toosiye is-fahmi waayeen iyo xarunta wasaaradda oo Goraygu ka hadaafay..!GNA
Xisbiga WADDANI waxa uu aad uga walaacsan yahay xaalada addag ee ay ku sugan yihiin dadwaynaha dan’yarta ah ee tabaya waxyaabihii aasaaska u ahaa..”Warsaxaafaddeed
Cisbitaaladda Shan Magaallo oo adeegyadooda laga dayriyay.Warbixin
Hargeysa(GNA)-Cisbitaaladda Dawladdu Maamusho ee Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa aad looga dayrinayaa adeegyadda ay bixiyaan, inkasta oo meelaha qaarkood dadku la dhacsanyihiin, sida Cisbitaalka Guud ee Burco.
Labadda Magaallo ee Ceerigaabo iyo Laascaanood ayaa cisbitaaladdoodu aad uga liitaan dhamaanba dhinacyada adeegga daruuriga ah oo aan haba yaraatee wax horumarin ah lagu samayn, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadku.
Sidoo kale Cisbitaalka Boorama ayaa bilihii ugu dambeeyay qaylo dhaan dheeri ka soo yeedhaysay Bulshada .
Inkasta oo aanay dawladdu lacag badan ku bixin horumarinta goobaha Caafimaadka dawliga ah, oo ay Kaalmadda hay’adaha Caalamiga ahi isha ugu weyn ee dhaqaale u tahay Cisbitaalada iyo Xanaannooyinka yar ee ka dhisan Kaamamka yar yar, duruufta haatan taagani waxay u muuqataa mid isbiirsatay oo ka baaxad weyn caqabado ay tira-koob ku sheegi karaan masuuliyiinta dawladdu.
Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka
Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleeban Ciise Axmed oo Maanta warbixin siiyay Golaha Guurtida ayaa ku haftay su’aallo laga waydiiyay addeegyada Caafimaad ee Cisbitaaladda dawladdu maamusho iyo maamul xumadda kuwa gaarka loo leeyahay.
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan ayaa Fasax gashay, ka dib markii wada shaqaynta Wasiirka Wasaaradddaasi ka dhaxaysa xumaatay muddooyinkii u dambeeyay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa isna dalka safar dibada ah kaga maqan shaqada, kaasoo uu ugu baxay Nairobi, inkasta oo aanu maamul ahaan iyo farsamo ahaanba wax badan ka bedelin shaqada wasaaradda intii uu joogay, sida ay sheegeen qaar ka mida shaqaalaha oo Gobanimo xog waran la yeeshay.
Walaaca Shaqaalaha Caafimaadka
Xarunta Wasaaradda ee Magaaladda Hargeysa ayaa laga dareemayaa guux badan iyo walaac isbarkan oo Shaqaalaha haysta, taasoo la dareemayo inay saluugsanyihiin Maamulka sare ee Wasaaraddooda.
Mid ka mida shaqaalaha Wasaaradda oo ka cudur daartay in magaciisa aanu soo xiggano ayaa Gobanimonews u sheegay inay baaba’ ku sugantahay Wasaaraddu.
Xisbiyadda Mucaaridka ah oo Dhaliil iyo walaac isbarkan ka soo saaray
Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa walaac weyn ka muujiyay halista nololeed ee ku gedaaman Caafimaadka bulshada, ka dib markii ay Cisbitaaladda xaaladdani soo waajahday.
Warsaxaafaddeed ka soo baxay Xisbiga oo uu soo saaray Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigaasi Axmed Muumin Seed ayaa lagu sheegay in saameynta Nolosha iyo Nabadgalyada ku iman karta, hadii la waayo addeegyada daruuriga ah, Isla markaana Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta baahiyaha bulshada.
Warsaxaafaddeedka “Xisbiga WADDANI waxa uu aad uga walaacsan yahay xaalada addag ee ay ku sugan yihiin dadwaynaha dan’yarta ah ee tabaya waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha dhamaanteed ee ay dusha u saaraaya Xukumada talada haysa oo aan kuba baraarugsanayn dhibaatada ay ku sugan yihiin muwaadiniinta ku rafaadsan waddanka iyadoo taa badalkeeda xukumadu ku mashquulsan tahay faan badan iyo dhagaxaan ladaadiyo oo been ah
Waxaa Xisbiga WADDANI uu muuqata Cisbitaalada dalka oo xidhmay iyada oo markii horeba ay aad u yarayd adeega dadwaynuhu ka helaan cisbitaalada guud ee dalka
Waxaa xidhmay Cisbitaalada ceerigaabo, kii laas-caanood, kii caynabo iyadoo xaalada laga dayrinayo Cisbitaalada waaweyn ee Boorama, Burco, Baligubadle iyo Cisbitaalka guud ee Caasimadda.
Sida aynu wada ogsoonahay Cisbitaalka caasimadu wuxuu 200 miter u jiraa Qasriga Madaxtooyadda, waxaana nasiib darro ah in maanta dadku laydh la’aan ugu dhimanayaan.
Sidoo kale Maxakamadda oo dhinaca kale uga jirta 200m waxaaynu ka dharagsanahay inay xidhnaayeen maalmihii ugu danbeeyey oo ay u shaqayn kari waayeen laydh la’aan, waxaan indhaha Shacabku si fiican u dhuganayaan Qasridga Madaxtooyada oo u dhexeeya Maxkamadaha Iyo Cisbitaalka wayn aanu mar kaliya ka bakhtiyin laydhku biyuhuna ka go’in.
Sidaa darteed waxa uu Xisbiga WADDANI canbaaraynayaa damiirka hogaamineed ee Qasriga Madaxtooyadda ee ogolaaday in laydh la’aan loogu dhinto Cisbitaalka wayn, Maxkamaduhuna u adeegi kari waayaan Muwaadiniinta yadoo ay ku filaan lahayd waayir 200m ah oo gudbiya adeega korabtada looguna shaqeeyo muwaadiniinta.
Haddaba Xisbiga WADDANI waxaa uu Xukuumadda u soo jeedinayaa in ay iska dayso faanka beenta ah iyo geed sare waabka aan ka turjumayn baahida dhabta ah ee muwaadiniinta ku hoos silcaysa maamuulka Xukuumadda”ayaa lagu yidhi.
Dhawaaqyada iyo dhaliilaha ku socda maamulka dawladda ee Caafimaadka ayaa gaadhaya dhegaha qaybo ka mida Bulshada ku dhaqan Tuulooyinka iyo deegaamada Magaalooyinka qaarkood oo aan wali helin xarumo caafimaad oo dadka jilicsan lagu daaweeyo, sida Hooyadda iyo Dhalaanka.
Hase ahaatee suurto gal la’aanta taasi waxa ku lamaan oo iyadana la dareensan inaanay wali dawladdu gacanta ku dhigin la xisaabtanka iyo u kuur galka tayadda goobaha Caafimaadka ka shaqeeya ee gaarka loo leeyahay, kuwaasoo ay muddooyinkan dambe soo korodhay dhibaato bulshadu kala kulanto oo xaga daaweynta ah.
Si kastaba ha ahaatee duruufaha kala duwan ee ku xeeran daaweynta dadka Bukaanka ah ee waddanka ku sugan, waa arrimo saameyn ku yeelanaya siyaasadda guud ee dawladda ee la xidhiiidha dhanka horumarinta.
Waxaana loo baahanyahay in Madaxweynuhu qaado talaabo deg deg ah oo uu wax kaga qabanayo si aanay baahidu u sii balaadhan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com