Qoraal kooban oo caawa la soo gaadhsiiyay xafiiska warqabadka ee Gobanimo news ee Magaaladda Burco ayaa lagu wargeliyay xubnaha Guddi beeleedka Bariga Burco inay shir isugu yimaadaan inta ka horaysa 15 Bisha April.
Qoraalkaasoo uu soo saaray Guddoomiye ku-xigeenka Guddidaasi xubnaha guddida lagaga codsaday inay wakhtiga ilaaliyaan.
Guddida ayaa kaalin weyn ku lahaa waxyaabihii Madaxweynaha Somaliland ku soo badhi taaray saaxadda Siyaasadda ee uu Madaxweynaha ku hantay, taasoo laga soo unkay shirkii lagu qabtay Degmada Gar-adag, kaasoo lagu middeeyay aragtida siyaasaddeed ee Beelaha iyo danaha ka dhexeeya bulshooyinka kale eek u jira Xisbiga uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo.
Hase ahaatee dhawaan ayuu Geeriyooday AHN Guddoomiyihii Guddidaasi Maxamuud Maxamed Jaamac oo ahaa Maskaxdii muddadii shirkaasi ka dambeysay Guddida hogaaminaysay.
Wargalin Guddida Beelaha Habar-jeclo
Waxaa la farayaa Guddida Beelaha HABAR-JECLO inay Shir isugu yimaadaan Mudada Hoos ku xusan si ay u dhamaystiraan Hawlaha U yaala.
Mudadaas oo ka bilaabmaysa 6 April 2014 kuna dhamaanaysa 15 May 2014.
sidaas daraadeed waxaa laydinka codsanayaa inaad mudadaas ilaalisaan.
Diiriye Jaamac Cabdi
G/ku xigeenka ahna sii hayaha xilka beelaha Habarjeclo
Mgacyada Gudiga Beelaha habarjeclo
1)Maxamuud Maxamed Jaamac- Gudoomiye -Alle haw naxariisto
2)Diiriye Jaamac Cabdi -G/ku xigeen
3)Ismaaciil Axmed Xayir Xubin
4)Mahad Maxamed Cawaale Xubin
5)Xasan C/laahi Axmed Xubin
6)Cismaan Xirsi Jaamac Xubin
7)Abokor Cumar Aadan Xubin
8)Maxmed Aadan Jaamac Xubin
9)Maxamuud amaxamed Jaamac Xubin
10)Barre Ismaaciil Cawed Xubin
11)Maxamud Axmed Xirsi Xubin
12)C/raxmaan Ibraahin Gaamuur Xubin
13)Saleebaan Maxmuud Cali Xubin
14)Cabdi Maxamuud Qaloonbi Xubin
15)Cawil Daahir Cabdile Xubin
16)Axmed Xaaji9 Aadan Xubin
17)Mahad Nuux Xuseen Xubin
Axmed Muuse maxamed
Gobanimonews
Burco Office