Pages

Saturday, April 5, 2014

Alvaro Morata Oo Lagu Soo Waramayo Inuu Doonayo Inuu Ku Biiro Arsenal.


Alvaro-Morata-Real-MadridDa’a yarka weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid Alvaro Morata ayaa lagu soo waramaya inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Arsenal sida ay baahiyeen qaar ka mid ah saxaafada Spain, iyagoo ka soo xiganay Radio Fichajes.




 




21 jirka reer Spain waxa sido kale xiiseynaya Inter Milan, Bayer Leverkusen, Borussia Dortmund iyo Chelsea balse Arsenal ayaa ah kooxda ugu cad cad Ee doondooneysa Alvaro Morata.




 




Alvaro Morata ayaa boos joogta ah ka waayay kooxda kowaad Ee Real Madrid, waxana xiddigan booska ka cariirsaday Ronaldo, Bale iyo Di Maria taa oo sababtay in xiddigan uu kursiga keydka galo, wuxuna daneynaya inuu xagaaga isaga tago Los Blanos.




 




Morata ayaa doonaya inuu Arsenal u dhaqaaqo halki uu ku biiri lahaa kooxaha kale Ee xiiseynaya, waxeyna Arsenal doondooneysa xiddigan bishii Janaayo balse wada hadaldii u dhaxeyay labadda dhinac ay fashil ku dhamadeen.