Tababarihii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa helay shaqo cusub mana ahan mid la xidhiidha inuu bedelayo ninkii isaga bedelay ee David Moyes ama mid la xidhiidha shaqadiisa agaasime ee Old Trafford.
Fergie ayaa haatan xaqiijistay shaqo waqti dheer ah oo macalinimo oo uu wax ka dhigayo jaamacada aadka loo ixtiraamo ee caanka ah Harvard University.
72 jirkaan oo shaqada tababarenimo ka fadhiistay xagaagii ah ka hor 26 sanno uu macalin u ahaa Manchester United ayaa shaqadiisa cusub bilaabi doona bisha May isagoo qeyb ka ah maado cusub oo la yidhaahdo The Business of Entertainment, Media and Sports’ taasoo bilaabaneysa horaanta bisha May.
“Waan ku faraxsanahay inaan fursad u helo inaan wax ku soo kordhiyo xarun aad u heer sareysa oo aad loo ixtiraamo” ayuu yiri Ferguson.
“Waqtiga aan durbaba ku qaatay Harvard waxa ay ii aheyd khibrad aan wax lala meel dhigaa jirin, waxaana indhaha ku hayaa inaan xiriir fiican la yeesho ardayda, faculty-ga iyo asxaabta Harvard Business School.”