Pages

Saturday, April 5, 2014

“Xataa Wakhtigii Siyaad Bare Maynu Arag,Wasiiro Maamuuska Madaxweynayaasha Leh”Mujaahid Cali Guray


Mujaahid Cali GureyHargaysa (GNA)Gudomiye Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Yuusuf (Cali Gurey) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabkii shalay loo soo dhaweeyey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo arimo caafimaad oo uu ugu maqnaa dalka Jabuuti.




cukuw




 




 




 




 




 




Cali Yuusuf (Cali Gurey) oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu internetka ku leeyahay ee facebook-ga ayaa waxaa uu sheegay in qaabkii shalay loo soo dhaweeyey wasiir cukuse aan xataa wali hore loogu arag dawladii siyaad barre waxaana uu tibaaxay in sida loo soo dhaweeyey ay ahayd mid muujinaysa inay jiraan wasiiro leh maamuuska madaxweynayaasha oo ay tahay wax aanu wasiir damiir lahi samayn karin,sida oo kalena waxaa uu carabka ku dhuftay in lacagta lagu isticmaalay  soo dhaweyntaasi ay tahay tii umada oo ay dad badan oo masaakiin ahi aanay shidan wax dab ah.




10328




 




 




 




 




 




”Xataa wakhtigii Siyaad Barre tan oo kale maynu arag. Wasiiro maamuuska madaxwaynayaasha lihi waa inoo kow?. DG duna way ku xigaan. Hada ogaada kharshku waa jeebka dadwaynaha ee meel kale lagama keeno. Kuwii laga soo qaaday waxa laga yaabaa qaarkood in aan guryahooda dab lagu shidin. Lakiin wasiirada inta damiirkoodu nool yahay ma aqbali karaan tan oo kale. Cukuse ma sidii uu universal sheegayay baa hadaba?”Ayuu yidhi Cali Gurey




cukusev




 




 




 




 




 




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaliland