Naadiga Juve waxay qarka u saaran tahay inay sanadii 3-aad oo xidhidh ah ku guuleesato Serie A-da dalka Talyaaniga sidoo kalena macalin Antonio Conte wuxuu dhisay naadi awood badan oo haatan kooxaha Serie A-da maaro u waayeen balse macalinkan intaas kuma qanci doono wuxuuna doonayaa xagaaga nagu soo fool leh inuu kooxdiisa kusoo kordhiyo xidigo dheeraad ah oo ku haboon shaxdiisa kuwaas o Juve ka saacidi karaan inay kooba horyaalada Yurub guulo wax ku ool leh ka keento madaama kooxdan sanadkan ay fashil xoogan tartanka Yurub kal kulantay, hadaba hoos kaga bogo xidigaha Juve u calaamadsatay inay magaalada Turin keento marka uu xili cayaareedkan dhamaado:
Juan Manuel Iturbe, Hellas Verona
Fernando, Porto
Domenico Berardi, Sassuolo
Arjen Robben, Bayern Munich
F.G: Domenico Berardi dib ayay Juve usoo ceshan doontaa madaama ay weeraryahankan dhalintayar milkiyadiisa Juve leedahay.