Pages

Saturday, March 15, 2014

Kulmiye oo Guri hoostii ku ansixiyay G. Dhexe ee Xisbiga oo saami-qaybsi qabiil ku dhisan


Bulshada oo Su’aallo iska waydiinaysa qabsoomida Shirweynaha Xisbiga iyo sida loo qaybsaday xubnaha golaha dhexe




Hargeysa (GNA) Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye ayaa manta Ansixisay sagaal boqol iyo kow iyo afartan xubnood oo noqon doona xubnaha Golaha Dhexe ee lagu Ansixin doono Shirweynaha sadexaad ee Xisbigu yeelan doono 22/03/2014-ka.




Kulamo is daba joog ahaa oo Xisbiga uga socday xaruntiisa Magaaladda Hargeysa, ayaa la sheegay in lagu soo afjaray saami qaybsiga xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay hogaanka Xisbiga iyo Guddida fulinta, hase ahaatee warar hor dhac ah oo Warbaahintu heshay ayaa sheegay in saami qaybsigan lagu saleeyay hab Gobolaysi qabiil ku dhisan.




941 xubnood ayaa laga dhigay xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ku dhadhow.




Sida lagu baahiyay Waaheen habka loo qaybsaday Gollaha dhexe ayaa ah sidan:




1.      Habarjeclo 206 xubnood




 




2.      Habar awal 206 xubnood




 




3.      Arab 113 xubnood




 




4.      Gar-xajis 94 xubnood




 




5.      Samaron/Ciise 160 xubnood




 




6.      Harti 113 xubnod




 




7.      Tol-jeclo 19 xubnood




 




8.      Ayuub 19 xubnood




 




9.      Others 19 xubnood




Shirweynaha Xisbiga ayaa ku beegan 22 Bishan sidii madaxweyne Siilaanyo u cayimay.




Dadweynaha daneeya arrimaha Xisbiga ayaa si weyn isu weydiinaya inuu qabsoomi doono iyo in kale.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa si weyn ugu hawlan arrimaha ku saabsan qabanqaabada shirweynaha.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu furi doona shirweynaha ayaa u ambo baxay safar uu ku marayo Gobolladda dalka oo wakhtiga uu qaadan doono aan la ogayn.




Tan ayaa ah sababta dhalisay inay xiligan dadku isweydiiyaan shakiga kaga jira in shirku qabsoomayo iyo in kale.




Si kastaba ha ahaatee xiligan shirweynaha ayaa todoba maalmood oo qudha ay ka hadhay.




Dhinaca kale, ansixinta saami qaybsiga Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa u muuqata mid dood badani ka dhalan doonto, taasoo saamayn doonta habsami u socodka qabanqaabada shirweynaha.




Shirweynaha ayaa ah mid aan micno badan samaynayn ee lagu ansixinayo hogaanka xisbiga ee hada iyo xubno cusub oo ku soo biiraya Guddida fulinta.




Ma jiro wax tartan ah oo lala gelayo hogaanka Xisbiga ee hada, sida lagu xusay heshiis laga soo saaray dhawaan khilaaf xisbiga hadheeyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com