Pages

Saturday, March 15, 2014

Waa Kuwee 6-Xidig Ee Lagu Tilmaamay “Bad Boys” Premier League Xili Cayaareedkan?


Laurent-Koscielny_2845166Bun hadii la waayo badalkiisa ayaa la helaa madaama Mario Balotelli iyo Joey Barton oo ku caan baxeen rabshada iyo calaamad qaadashada ay Premiership-ka England isaga tageen waxaa xili cayaareedkan doorkii xidigahaas lagu yaqiinay la wareegeen ugu yaraan6-cayaaryahan oo xili cayaareedkan gashteen kabihii ay Mario Balotelli iyo Joey Barton iska siibeen waxaana loogu magac daray 6-xidig “Bad Boys” oo ah wiilasha xun xun, hadaba wax badn ka ogaaw shaqsiyaadka xili cayaareedkan Premiership-ka Englad ku caan baxeen inay calaamada kal duwan qaataan ama rabshad abuuraan marka ay garoonka ku jiraan:




 




6. Chris Brunt, West Brom: ilaa haaatan kabtanka Wesb Brom wuxuu qaatay 6-jeer caalamada hurdiga ah asigoo 22-kulan kooxdiisa u saftay.




 




5. Ramires, Chelsea: ilaa haatan mashiinka Blues 7-jeer ayaa caalamada hurdiga ah la siiyay asioo kooxdiisa u saftay 27-kulan Premiership-ka.




 




4. Laurent Koscienly, Arsenal: daafacan waxaa badan dagaalkiisa iyo rabshada uu sameeyo ilaa haatana hal jeer calaamada casaanka ah loo taagay sidoo kalena marar badan ayuu calaamada hurdiga ah qaatay.




 




3. Kevin Nolan, West Ham: kabtanka West Ham labo jeer ayaa kaarka cas loo taagay sidoo kalena 5-jeer ayuu calaamada hurdiga ah qaatay.




 




2. Mikel Arteta, Arsenal: kabtanka Arsenal hal mar aya caalamada cas loo taagay Premiership-ka balse 7-jeer ayuu calaamada hurdiga ah qaatay ilaa haatan.




 




1. Wes Brown, Sunderland: daaficii hore ee kooxda Man United sedex jeer ayaa caalamada casaanka ah loo taagay xili cayaareedkan waana xidiga kaliya ee ilaa haatan 3-jeer caalamada casaanka ah qaatay Premiership-ka xili cayareedkan 2013/14!