Pages

Saturday, March 15, 2014

WAALIDA QAADKU SABABO!!BY: Jamaal Abu-Giza


Waxaynu wali daba soconaa maqaaladii aynu kaga warami jirnay qaadka iyo dhibkiisa oo runtii aad u qoto dheer hadii sanado badan wax laga qorana aan laga gayoonahayn una baahanaysa wakhti badan iyo dadaal fara badan ayaa maanta waxaan soo qaadan doonaa mid kamid ah maqaaladaasi sheegaaya dhibka qaadka waana kane iga hantiya.




Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa meel ku wada qayilaayey koox rag ah oo asxaab ah isla markaana sheeko wadaag leh oo ay iskugu baxdo isna af yaqaana oo isku si u wada hela xubinta sheekada si ay u wada giijiyaan oo ay u wada waashaan macnaha u mirqaamaan saacado fara badan ayaa halkaasi lagu lunshaa waxaa kale oo lagu baabashaa dhaqaale badan oo raga intooda badani shaxaad ku soo heleen goor danbe oo ay habeenimo tahay ayaa waxaa inuu iska hoydo u holoday nin kamid ahaa ragii meesha fadhiyey inuu sidaa yeelo oo uu iska hoydana may ahayn mid isaga oo fayo qaba ka timid balse waa sirqaamay ama waa waashay ama waa mirqaamay dabeeto waxaa uu is tusay inuu iska hoydo waxaa uu war gashay ragii saaxiibadiis ahaa ee ay meesha wada joogeen waana laga yeelay dabeeto waa xamaan urursaday kabahana horay ayuu ka gashaday waa dhaqaay wadadana cagta saaray umana baahan inuu bas raaco waayo waa mirqaansan yahay oo dhulku waa u taako taako waana iskugu dhawyahay waxaa uu socodka macaansadaba waxaa uu markaliya sawirtay dooxo wayn oo biyo marayaan dib ayuu u booday dabeeto waa eegay waxaa ka soo baxay erayo muujinaaya sida uu ugu dhici garaay dooxa waxaa uu ku hadaaqay waryaa biyaha ayaad ku dhici gaadhay caawa ilahay ayaa kula baxsaday nasiibkaygu wacanaa iyo wax lamid ah waxaa uu sidaa ku taagnaa ilaa goordanbe oo saqdii dhexe ahayd hada la soco oo fahan meeshani waa wado mana aha dooxo iyo wax u dhawtoona ee waxaa inuu doox yahay u sawiray waa mirqaanka iyo waalida wadadan iyada ah waxaa soo mara qaar ka mid ah asaxaabtii ay meesha wada fadhiyeen ee ay wada daaqayeen qaadka sidaa awgeed ayaa waxaa soo maray nimankii oo iyaga laftoodu mirqaan laafyoonaaya oo is kala garan waayey markaliya ayaa waxay arkeen ninkii saaxiibkood ahaa oo wadada dhextaagan way la hadleen oo waxay dheheen waar hebal maxaa kugu dhacay waxaa uu ku jawaabay waxaan filayaa inaad waalantihiin miyeydaan arkahayn biyaha dooxa maraaya ee i horyaala waxay dheheen waar shaydaanka iska naar wax biyo ah iyo wax dooxo ah oo meesha ka muuqdaa midna majiro.




Silayaab leh ayuu ula hadlay oo iyagaii ayuu waali biday kuna dhahay waad waalantihiin waayo waxaad arki waydeen dooxa intan leeg iyo biyahay maraaya mudo dheer ayaa gobtaasi iyada ah waxaa la isku haystay waa doox biyo maryaan iyo maahee waa banaan goor danbe oo ay waa bari gaadhay ayaa waxaa miyirsaday ninkii  walaa dabeeto waxaa uu kala gartay waxii uu markaasi isku khaldaayey ee ahayd in meeshu doox tahay iyo inkale waxaa uu ku jawaabay waar heedhaha waan waalaaye hadaan wax kala gartay idinkaana sax ahaa ina marsha ninkaasi waxaa kale oo uu ogaaday waxaasi oo dhib ah inuu sabab u ahaa qaadka uu soo daaqay sidaa awgeed ayaa waxaa uu balan adag ku qaaday inaanu dib ugu noqon doonin qaad iyo cunistii intaba sidaana waa iskaga daayey kana raystay saaxibadiina waa uga digay oo dhahay waad u jeedaan sida uu bahalku ii galaye iska daaya oo dib iskugu noqda aayihiina danbana u tashada.




 




Hadaba markaan sheekada dib ugu noqono waxaan ka faa,idanaa inuu bahalkan qaadku uu waali yahay oo aanu u baahanayn cadaymo waayo waxaan arkaynaa raga sida uu u gulaayo ee uu uga dhigaayo waxba kama jiraan waxaa kale oo aan arkaynaa ninkan habeenkii oo dhan wadada taagnaa isagoo ka baqaaya wadadii oo doox iskugu badashay biyana marayaan waana mid layaab mudan wax ku qaadashana inooga baahan.




 




Qolyaha cunista qaadka wali ku hawlan waxaan leenahay saaxiibayaal iska daaya oo ilahay ka baqda nafihiinana halaaga iyo waalida ha u horseedina hadii kale waa if iyo aakhiro xumo.




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)