Pages

Saturday, March 15, 2014

Muqdisho: Qarax xoogan oo lagu weeraray Xaflad ay ka qayb-galeen Dad Miisaan leh


Muqdisho(GNA)-Qarax ayaa ka dhacay Abaaro i 12:30 duhurnimo  ee Maanta  albaabka dambe ee Hotel Maka Al-mukarama oo ka mid ah hotelada waaweyn ee ku yaala wadada Maka Al-Mukarama ee magalada Muqdisho.




Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan oo daryankiisa laga maqlayey magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana uu ka dhacay meel gaadiidka lagu barkimo oo ku taala dhabarka dambe ee Hotelkaas.




Warar hor dhac ah oo laga helay khasaaraha qaraxa ayaa sheegaya in ilaa laba ruux ku dhaawacmeen.




Waxa Hudheelka Qaraxu ka dhacay ka socday Xaflad loogu dabaal-degayay sanad guurada mid ka mida Iddeecadaha ka hawl-gala Muqdisho, taasoo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiin tiro badan, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale.




Hibo Maxamed Guddoon (Hibbo Nuura) oo ka mida Fanaaniinta waaweyn ee Soomaaliyeed iyo Mulkilaha Shirkadda Dahab-shiil Group Cabdirashiid Dahabshiil, ayaa ka mid ahaa dadka ka socday Bulshada Rayid ah ee Magaca leh ee Xaflada ku sugnaa.




Sidoo kale Masuuliyiin ka socda dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Af-hayeenka Xukuumadd Ridwaan Xaaji Cabdiwali, ayaa iyaguna ku sugnaa Xafladda.




Ciidamada Dawladda Federaalka ah ayaa Baadhitaano ka wadda ilaa hada goobta Qaraxu ka dhacay.




Ma jirto cid sheegatay Qaraxan, hase ahaatee ilo-wareedyo soo baxaya ayaa sheegaya inay ka dambeeyeen Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab oo beryahan dambe  siyaadiyay weeraradda ay ku bartilmaameedsanayaan Madaxda Dawladda iyo Dadka la shaqeeya.




Al-shabaab ayaa bishii hore digniin ay soo saareen ku war geliyay Mulkileyaasha Hudheeladda inay weeraro ka fulin doonaan Hudheeladdooda hadii ay soo dhaweystaan Madaxda Dawladda iyo dadka la shaqeeya oo ay ajaanibku ku jiraan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com