Pages

Saturday, March 15, 2014

Vincent Kompany Oo Waayi Doona Hal Kulan Inkastoo Uu Casaan Toos Ah Qaatay Kulankii Hull City.


Hull-City-v-Manchester-City-Premier-League-3244659Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaa seegi doona kaliya HAL kulan oo Premier League ah ka dib casaankii uu qaatay kulankii Hull City ee maanta.




 




Daafaca reer Belgium ayaa casaan la siiyay ka dib 10 daqiiqo markii ay socotay ciyaartii ka dhaceysay KC Stadium, waxaana la tusal casaan toos ah ka dib markii uu qalad ku galay weeraryahanka Hull City Nikica Jelavic.




 




Si kastaba, inkastoo casaanka la siiyay uu ahaa mid toos ah, Kompany ayaa seegi doona kaliya HAL kulan oo Premier League halkii uu seegi lahaa seddex kulan, madaama qaladka uu galay aan loo arkin mid qalqalaaso ama halis ahaa.




 




Sidaasi darteedna Kompany waxa uu kaliya ka fadhin doonaa kulanka sabtida soo socota ay marti qaadayaan Fulham.




 




Kabtanka City ayaa sidaasi darteed diyaar u noqon doona kulanka Manchester derby ee talaadada ku xigta marka City ay booqaneyso kooxda horyaalka heysata ee Man United, halka uu sidoo kale ciyaari karo kulanka ay u safrayaan Arsenal sabtida ku xigta.