Pages

Friday, March 7, 2014

Somaliland: Waxbarashada oo Beenisay Gollaha Macalimtiinta


Hargeysa(GNA)-Gudoomiyaha Xafiiska Imitixaanaadka Somaliland Daa,uud Axmed Faarax oo  wax laga weydiiyey arintaasi islamarkaana, ka jawaabayey cabashooyinka iyo buuqa ka dhashey, Maamulayaasha iyo Macalimiin badan oo laga been abuurey




dadka ku kacaya falalka noocan ah ee Macalimiinta iyo Maamulayaasha Dugsiyada iyo Ardeydaba lagaga been sheegayo, Wasaaradauna talaabo ayay kolay ka qaadi dontaa, waana wax ka reeban Anshaxa Waxbarashada iyo aqoonta iyo Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliintaba been abuurka noocan oo kale ah"Ayuu yidhi Daa,uud Axmed Faarax Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Somaliland.




 




Waxaanu uga digay Macalimiinta iyo Maamulayaasha Dugsiyadaba Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Somaliland Daa,uud Axmed Faarax in aanay cadho badan sameynin haseyeeshee, ay cida been abuurka ka sameysey sharciga dalka iyo ka Wasaarada la beegsadaan, oo aanay talaabo kale qaadin.




 




Dhinaca kale Macalimiin iyo Maamulayaal  tiro badan ayaa beeniyay, in aanay waxba ka jirin been abuurka laga faafiyay, islamarkaana, aanay ka




warheynin ama aanay ogeynin wax Gole Macaliminiin ah oo dalka kajira, Waxaana arintan dagaal adag ka xiga Macalinka Maxamed-Soomaali oo laga been abuurey iyo Macalimiin iyo Maamulayaal badan oo aanu goordhow idiin soo gudbin doono Magacyadooda.