“Waddankani (Somaliland) Waa Mid Xasuuq Badani Ka Dhacay Meel Kasta Waxa Ku Jira Xabaal Wadareedo” Khabiir Franco Mora
Kooxda (Gobanimonews)7-3-2014-Caalamiga ah ee ku takhasusay baadhitaanadda dalalka xasuuqu ka dhacay ee reer Beru ee haatan Xukuumadda Somaliland kala shaqeynaaya baadhitaanka Xasuuqii Somaliland ka dhacay sanadahii 1984-1988-kii oo haatan Hargeysa ku sugan ayaa qaylo dhaan ka muujiyey Xasuuqa uu kaligii taliskii Maamulkii arxanka darnaa ee Siyaad Barre Somaliland geystay oo ay sheegeen in cadaymaha ay kooxdoodu heshay sheegayaan in dadka reer Hargeysi Xabaalo dadkii la xasuuqay ay dhex degan yihiin.
Kooxdan ku Takhasusay baadhitaanadda dalalka Xasuuqyadda ka dhacaan ee reer Beru oo ay Wakaaldda Caalamiga ah ee Miami Herald.com warbixin ka qortay, hore baadhitaano Xasuuq oo lagu guuleystay uga soo shaqeeyey dalalka , Congo, Guatemala iyo Mexico oo Xukuumadda Somaliland heshiis 5 Sanno ah oo Xasuuq Baadhis ah la gashay ayaa sheegay uga digay inay Hay’adda Xasuuq Baadhista Qaranku iyo Somaliland-ba baadhitaano aan Cilmi ku fadhiyin ay ku sameeyaan meelihii Xabaal wadareedadu ku yaaleen isla markaana ay haatan Khubaradani wada tababaru ku saabsan sida xabaala loo baadho ay ay siinayaan dad reer Somaliland ah oo iyaga la hawlgelaaya.
Franco Mora oo ah horjoogaha Kooxda Caalamiga ah ee reer Beru ee ku takhasusay baadhitaanada Xasuuqyada oo ugu horeyn ka hadlaya hawlaha shaqo ee ay Somaliland ka hayaan ,waxa ay ku arkeen Xasuuqa Somaliland ka dhacay iyo tababaro uu sheegay inay siinayaan dad reer Somaliland ah waxa uu yidhi “Eheladii dadkani (Dadkii Hargeysa Siyaad Barre ku Xasuuqay ) waxa ay sugayaan jawaabo,waxa ay u baahan yihiin dadkani reer Somaliland (Guddida Xasuuqa Qaranka ee Somaliland ) tababaro badan, waxa aanu aad ugu sharaxaynaa in aanay meel kasta oo xabaal ah iska tegen una isticimaalin Mishiino iyo Cagafyo ay isticimaalaan,waxaanu barayna iyaga sida ugu fiican ee ay ugu isticimaali karaan (Lafaha dadkii la xasuuqay ) iyaga oo baadhitaano ku sameynaaya”
Mr Franco Mora waxa uu intaasi raaciyey “Wadankani waa mid Xasuuq badani ka dhacay meel kasta waxa ka jirta Xabaal wadareedo,dadku waxa ay ku dulnool yihiin Xaboolo meel kasta ayey ku yaalaan”
Amber Barton oo iyana ah Gabadh dhalin yar ah isla markaana ka mid ah Kooxda baadhitaanka Xasuuqa Somaliland ka wada waxa ay tidhi h“Dadka guryahu waxay aad u daneynayaan wixii dhacay (Xasuuqii Hargeysa ka dhacay ) ee qof kasta Arintu way ku dhacday”
Sources by Saxansaxo
Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil



