Pages

Friday, March 7, 2014

Maxaa Sababay Dudmada Xagle Toosiye ?by: C/risaaq Suudi


suudiMaah maah soomaliyeedbaa jirta oo tidhaahda ninka faras dabadii ka degay meel u dhaantuu waayey, saleebaan Ciise Axmed Xagle Toosiye waa wasiirka caafadimaadka ee somaliland ,waxa uu tabanayo hadii uu arkayo madqaxweyne uu kala hadli karo oo wax ka qaban kara wuu kala hadli lahaa markiise uu waayey madaxweyne uu la hadlo waxay dantu baday in uu iska tago,wasiir xagle toosiye waxaa ku adkaatay wasiir ay sharci ahaan siman yihiin in uu ka amar qaato oo uu u aqoonsado in uu yahay madaxweyne la doortay.




Akhristow maah maah soomaliyeedbaa jirta oo tidhaahda waysha gawrac dibigu ha ku quustee ,Saylici waa madaxweyne ku xigeen isaga iyo siilaanyona marbaa la wada doortay cod isku mid ahna waa lagu doortay ,hadana wax qarsoon may ahayn in saylici uu mudo laba jeer ah ka duday xafiiskiisa oo labada jeerba uu soo ladqabeeyey gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan Cirro iyo xildhibaano isugu jira labada gole ,hadaba saaxibayaal marka aad maskaxdiina baadhaan waxaad markiiba xasuusanaysaan talow ma waxaa isku dhacay oo wada shaqeyn kari waayey madaxweynaha iyo ku xigeenkisii sidii koonfurta suudaan oo kale.




Hadaba arinta somaliland taasi way ka duwan tahay oo ninkii Saylici ay is hayeen muu ahayn madaxweyne siilaanyo wuxuu se ahaa wasiirka amdaxtooyada Xirsi wixii la isku hayeyna waxay ahayd fasiraada riyada madaxweynaha anigaa xaq u leh in aan fasiro , iyadoo uu saylicina uu u arkayey in uu meel uu u soo maraba waayey mar hadii uusan madaxweynuhu uusan soo jeed dalka ku xukumeynin in fasiraadii riyadiisana loo sameystay dad kale ,arintanina waa daliil labaad oo muujinaya ama u marag furaya talaabadan uu qaaday wasiir xagle toosiye waxaanu door biday intii ay dumar iyo caruur ay burmi lahaayeen in uu iska tago mar hadii uusan jirin madaxweyne uu la hadlo.




Todobaadkii hore ayay ahayd markii uu gorsoorku sida fiinta uga qayliyey cadaalad darada dalka ka  jirta madax banaani la’aanta ka jirta hayadda garsoorka iyo fara gelinta ay ku hayaan wasiiro ka tirsan xukuumada siilaanyo ,iyagoo soo bandhigay cadeymo ama qoraalo ay maxkaamda gobolka hargeysa u soo qoreen wasiiro xukuumada k atirsan oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka amniga C/laahi Abokor oo isaga laftigiisu warbaahinta ka qirtay in uu maxkaamdda gobolka hargeysa u qoray warqadii la soo bandhigay  oo  nuxurkeeduna ahaa amar uu maxkamadda siinaayo wasiir ku xigeenka amnigu ,qodobo badan oo dastuurka ayaa ka hadla in ay kala badax banaan yihin sadexda waaxood ee ay dawladdu ka kooban tahay waxaana qodobadaasi dastuurka ka mid ah qodobadka 37 iyo 52 aad.




Hadaba war saxaafadeedkii sida la sheegay laga soo saaray xafiiska madaxweyne siilaanyo ee jawaabta u ahaa qaylo dhaanta ka soo yeedhay hayadda garsoorka dalka waa daliil sadexaad oo muujinaya in waxa dalka lagu xukumaa uu yahay manaab ama riyo,aduunyadana waxaa jira wax laga jawaabo iyo wax aan jawaaba lahayn ee ay haboon tahay marka aad ogaato in aad wax ka qabato ,marka ay soo dibad baxaan.




 




Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda nina korsiisa biyo kama hagrado .masuuliyiintan ka hadlayey cadaalad darada jirta ,madax banaani la’aanta garsoorka iyo fara gelinta qaawan ee ay wasiirada xukuumadu ku hayaan ujeedadoodu may ahayn in ay iyagu is dhaliilaan ama ay cid canbaareeyaan waxay se ahayd in khaladaadka jira ay cadaymahooda soo bandhigeen in wax laag qabto.




Hadaba masuuliyiinta warbaahinta la hadlay waxay xog ogaal rasmi ah u yihiin heerka cadaaladda ee dalku halka uu marayo waxayna la mid yihiin dhakhtar qaliin ku sameeyey qof bukaan ah shakina kuma jiro in lagu dhaqmayo talooyinka uu bixiyo dhakhtarkii qaliinka sameeyey iyo in dhakhtarka loo daba fadhiisanayo wixii wado ah ee la siinayo qofka bukaanka ah ee qaliinka lagu sameeyey.




Had iyo jeer waxa jawaab laag bixiyaa waxa aan jirin ee la sheego umadda somaliland waxaa isu qaban waayey cadeymihii ay warbaahinta u soo bandhigeen masuuliyiintii bahda garsoorku iyo jawaab celintii ka soo baxday xafiiska madaxweyne siilaanyo , oo muujineysa in war saxafadeedyada la sheego in ay ka soo baxaan xafiiska madaxweynaha in aanu jirin madaxweyne wax ka og oo soo qoraa waayo caalamka laguma arag madaxweyne u jawaabaya gudoomiye maxkamadda gobol oo ka hadlay xaqiiqo jirta oo uu cadeymaheediina soo bandhigay .




Axmed Abgaal wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinat somaliland waxayna dad badani maanta dib u xasuusteen hadal uu yidhi xili uu siilaanyo ku jiray ololaha doorashada oo ahaa in uu siilaanyo u baahan yahay xanaano ee aanu u baahneyn in xil la saaro ,waxaana muuqata in dawada somaliland laga raadinayo meel aysan ku jirin,waxaan xasuustay maah maahdii soomaaliyeed ee ahayd nin aan wakhtigii talada joogin marka uu taliyo nin aan tegi jirin ayaa taga,marka nin aan qaybin jirin uu qaybiyana nin aan qadi jirinbaa qada, waxaanan hadalkayga ku soo gaba gabeynayaa heestii ahayd cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer  dawada lama gaadhayo




Qof go’ay iyo roob galbeed midkoodna haduu galabado gadaal uma soo noqdo.




Hadaba isku soo wada duuboo Maxaa Sababay Dudmada Xagle Toosiye ,Bahda Garsoorkuna  Waa Kuwan Sidii Fiinta Qayliyaye Fartoodii yaa Subaga Daray,Manaamka ama Riyada uu Siilaanyo Dalka ku Xukumana Fasirkeeda yaa Loo Daba Fadhiistaa?




Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur




Tel:4425243




Email:suudi88@gmail.com




Hargeysa/Somaliland