Friday, March 7, 2014

Somalia:Ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya degmada Xudur


 




Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka midka ah howl galka AMISOM ayaa kaabiga ku haya degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, kadib markii ay iskaga baxeen Xoogaga Al-Shabaab ee halkaas ka talinayay.




 




Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta ayaa ku sugan duleedka degmada, kuwaasoo aanay wali gudaha u gelin degmada, sida dadka deegaanku ay xaqiijiyeen.




 




Dagaalo culus ayaa labada dhinac ku dhex maray duleedka degmadaas, kaasoo dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dadkii deegaanka ee ku dhaqnaa degmada Xudur ay iskaga barakaceen.




 




Madaafiic ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaceen qeybo ka mid ah degmada Xudur, intii uu dagaalka socday, waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.




 




Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaano badan oo u dhaxeeya Ceel Barde iyo Xudur.




 




Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ee la wareegay degmada Rabdhuure ayaa ka baxay, iyagoo u ruuqaansaday degmada Waajid.




 




La soco wixii ku soo kordha