Friday, March 7, 2014

Carlos Tevez: Serie A Waa Horyaalka Ugu Adag Adduunka.


376138_heroaWeeraryahanka Juventus Carlos Tevez ayaa dareensan in Serie A uu yahay horyaalka ugu adag taatiko ahaan ee uu abid soo ciyaaray.




 




30 jirkaan ayaa khibrad weyn u leh inuu ka soo ciyaaray horyaalo badan isagoo u soo ciyaaray Boca Juniors, Corinthians, West Ham, Man United iyo Manchester City ka hor inta uusan ku biirin Bianconeri xagaagii hore.




 




Inkastoo Serie A aysan in badan soo jiidanin xiddigaha magaca waa weyn leh sidii ay ahaan jireen 1990meeyadii iyo bilowgii 2000, Tevez ayaa aaminsan in farsamo ahaan in Serie A uu ugu adag yahay.




 




“Dhamaan horyaaladii aan soo ciyaaray oo dhan, horyaalka Talyaaniga ayaa ah midka ugu dhibka badan uguna taatikada badan” ayuu Tevez u sheegay website-ka kooxdiisa.




 




Tevez ayaa 15 gool ka dhaliyay Serie A 26 kulan uu saftay tan iyo intii uu uga soo biiray City xagaagii 2013.