Pages

Wednesday, March 19, 2014

Somali PEN oo Cambaareeyay Xadhiga Qoraa Siciid M. Gahayr


Djibouti(GNA)-Naadiga Qoreyaasha ee Somali Pen ayaa cambaareeyay xadhiga Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo lagu xidhay Magaalada Hargeysa.




Ciidamadda C.I.D-da Caasimadda Hargeysa ayaa dhawr maalmod ka hor goor habeenimo ah xidhay Qoraaga, xili uu dacwad halkaasi u tegay.




War ka soo baxay Ururka PEN, ayaa lagu dalbaday in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadiisa loogu soo celiyo Siciid, sababta loo xidhayna daliil cad dawladdu ka bixiso.




Qoraalka Naadigu soo saaray ayaa u dhignaa sidan:-




“Ururka Qorayaasha Soomaaliyeed ee Naadiga qalinleyda iyo halabuurka soomaaliyed, waxa uu ka xun yahay xadhigga Siciid Maxamuud Gaheyr oo xubin ka ah Somali Speaking Pen club.




Siciid oo ah xubin Mihiim ah ka ah somali speaking pen club, waxa Magaalada Hargeysa ku xidhay Ciidamada Nabad-sugidda Somaliland, iyaga oo si sharciga baal-marsan ugu xidhay xaruntooda Dambi-baadhista ee C.I.D-da, iyaga oo aan sidan wax wax waaran ah oo Maxkamadeed.




Ururka Somali Speaking Pen club, waa uu cambaareynayaa xadhiggaasi lagula kacay Siciid Maxamuud Gaheyr (Hargeysaawi) oo shaqo muhiim ah u haya shacabka Soomaalida, masuuliyadna iska saaray soo saaridda buugaag muhiim ah, sida buuggiisa Culuumta Maansada oo ay ka faa'ideysanayaan dadka Soomaalida ahi iyo buugga SAMO-TALIS ee uu ka qoray taariikhda nool ee Xaaji Cabdi Waraabe.




Somali Speaking Pen club, waxa uu Dawladda Somaliland ugu baaqayaa in si shuruud la'aan ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo, Siciid Maxamuud Gaheyr".




Gobanimonews




Hargeysa Office